Waxa maanta Si Rasmiya uga Furmay Magaalada Ceel-afwayn Shirka Nabadaynta Beelaha Ku Dagaalmay Deegaankaas.

Ceel-afwayn-(OWN)-Magaalada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag waxaa maanta si rasmi ah uga furmay shir dib u heshiisiineed oo la doonayo in lagu soo afjaro dagaal dhowr sanadood halkaa ku dhex marayayey laba beelood.

Qabanqaabada shirweynaha ayaa soo socotay labadii bilood ee u dambeeyey.

Waxaa u xilsaaran inay xaajada ka gar naqaan 66 xubnood oo isugu jira xeerbeegti, culumaa’udiin iyo madax dhaqameed.

Waxaa iyaguna jooga odayaal iyo waxgarad kale oo guddigaas culays ku saaraya sidii mushkiladda xal looga gaadhi lahaa.

Qaar ka mid ah culumada shirka ka qayb galaysa
Sh. C/laahi Sh. Cali Jowhar, Sheekhul Beledka Boorama
Sheekh Maxamed Cumar Dirir
Sheekh Ismaaciil cabdi Hurre (Sh. Ismaaciil dheeg)

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ka tirsan baarlamaanka jamhuuriyadda Somaliland oo BBC la hadlay ayaa sheegay inuu rajaynayo in shirkaasi uu miro dhalo.

“Maanta cidi nagama maqna, sheekh iyo shariifba waynu wada joognaa, walaalnimda iyo ehelnimada iyo gacalnimada qaata” ayuu yidhi.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Ismaaciil (Saylici) ayaa dhinacyada ugu baaqay inay u hogaansamaan go’aannada ay cuqaashu gaadhaan.

Shirweynahan waxaa aad isha ugu haya dadka reer Somaliland, ayadoo colaaddan oo soo noqnoqotay dhowrkii sano ee u dambeeyey ay ku dhinteen dad ku dhow ilaa 100 qof.

Dadka arrimaha shirkan u dhuun daloola waxay  sheegeen in aan loo kala kici doonin ilaa iyo inta xal laga gaadhayo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker