M/WEYNE MUUSOOW AMA ERGO DIR AMA HA DIRIN, PUNTLAND WAXAY NOQOTAY FIIX KASOO BAXDAY SOMALILAND, MEEL HALISANA KAGA TAAL…

Asalamu calaykum dhamaan umada reer somaliland meelkastoo ay joogtaba.

Anigu baryahaaba maan ku firfircoonayn siyaasada iyo fara galinteeda intii xisbigii

UDUB meesha ka baxay.

Anigoon jeclayn inaan sii tarmiyo qormadan kooban, waxyaabaha ma hadhooyinka ku noqotay

Somaliland way badan yihiin. Waa xaajooyin, tiraab ama hadalo aan macno samaynayn

oo ay ku hadleen masuuliyiin ku fadhiya kursi Qaran. Hadaan madaxa ka bilaabo,

waxaan aad ula yaabay markii:

 

1- M/Weyne Muuse Biixi yidhi: sidii aanu Aabahood (Daarood aabihiis waa Siyaad Baree IHN), ayaanu u karbaashi iyagana!!! hadalkan waxa ka dhashay in daarood midoobo, waa siday ila tahay.

2- Faysal C Waraabena hangoolkii intuu fiiqfiiqay yidhi: Hada Camuud 250 araday oo Daarood ah ayaa inoogu  haysaane ogaada reer Booramoow! ilayn Dagaalku anaguun(ISAAQ) naguma koobnee! Tanina waxay keentay  in Faysal yahay siyaasi Duraysan oo jin reer somalilandi dardaray!

3- Caliguray yidhi: Axmed Miroow cirka jeexsoodumi shirka gacan libaax bal ciduu wax ka qaado!

    Tanina waxay igu dhalisay: Toloow Caliguray ma 7 Sano jirbuu ahaa, markii Gaani sigaarka ku bakhtiinayay  muj Cabdilaahi Askar oo inaadeerkiiya! hadii uu nin wayn ahaa se, muxuu intuu sidanoo kale u dhiirado…toloow muxuu Gaani isu qarxin waayay!

4- Telefishanadii wararka ee somaliland kawada sheekeeyeen: CIIDANKA SOMALILAND EE JIIDA HORE OO REER WAJAALE U DUBEEN SABAAYAD!

   Tana waxaan la yaabay: Oo goormaynu Sabaayad dubaynaa laysmaba gaadhine!

   Mida labaad, hadii Wajaale ciidnkeena sabaayad u dubayo, dee ciidanba ma hayno!

5- Qodobkan aan ku joojiyo QARANIMADII sideeday u liidataaye. Hadiise loo baahdo inaan sii wado, waan sii wadi

 Intaas waxaan ku darayaa, shirkii Gacan Libaax wixii ugu horeeyay ee la laysla qaatay waxay ahayd in Nabad Lagula dhaqmo shacbiga/umada somaaliyeed oo ay ugu horayso shacbiga Puntland oo aynu dhinaca isku hayno. Markaa waxaan is idhi, malaa ergadan la diray qodobkaasay SANKA la raacday.

Gunaanadkaygii wuxuu yahay:

M/Weyne Muuse Biixoow ama Ergo dir ama ha dirin, Puntland waxay noqotay FIIX kasoo baxday Somaliland oo waliba meel halisa kaga taal!  Waa Madaxtooyada halkay kaga taal!

Rababta fiixdana waa la garanayaa…………adigaana cidkasta uga xogogaalsan Madaxweyne !!!

Assalaamu Calaykum

Shaqsi uma jawabo, Afxumana umadda uma horseedo, Taasaynu isku ognay Akhristeyaasha sharafta lehoow.

Sanwaa Cumar Yare

Freelance Political Commentator

Email: politicianbynature@outlook.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker