Falanqayn ku saabsan ciyaarta kama dambaysta ah ee Koobka Adduunka.

Ciyaaraha-(OWN)-Cayaaryahanka khadka dhexe uga Ciyaara xulka Faransiiska Blaise Matuidi ayaa lagu wada inuu ciyaaro galabta inkastoo dhawaan uu dhaawac uusoo gaadhay kaddib markii ay isku dhaceen Eden Hazard xiliiggii ay la ciyaareen xulka Belgium.

Ivan Perisic oo u ciyaaro xulka Croatia ayaa lagu soo warramaya inuu dhaawac yahay xilli dhawaan uu kasoo qayb geli waayay tabbabar ay samaynaayeen xulkiisa Croatia oo cayaarta kama dambaysta ah u soo gudbay.

Guddiga anshaxa u qaabilsan xidhiidhka kubadda cagta Adduunka ayaa u fasaxay Ciyaaryahanka daafaca uga Ciyaara xulka Croatia Domagoj Vida inuu ka qayb galo ciyaarta kama dambaysta ah ee galabta dhacaysa kaddib markii uu kasoo muuqday muuqaal uu ku leeyahay ‘waxay sharaf u sugnaatay Ukraine’, odhaahdan waxaa isticmaala dadka kasoo horjeedo Ruushka.

Domagoj Vida wuxuu hadalkan sheegay xilligii ay dhammaatay cayaartii rubuc dhammaadka oo ay Croatia rigoodhayaal uga badisay Ruushka.

Xulka Croatia waxay si wayn u aaminsan yihiin ciyaar wanaaga Captanka Luka Mudric.

Croatia markii ugu horreysay ayay soo gaadhay ciyaarta kama dambaysta ee Koobka Adduunka, si xowli ah ayay ku socotaa ciyaaraha.

Faransiiska waa dalkii lixaad ee gaadha ciyaarta kama dambaysta Koobka Adduunka in ka badan saddex jeer, islamarkaana uu xulkan dabagalayo xulalkii Jarmalka(8 jeer ciyaarta kama dambaysta), Brazil iyoTalyaaniga(6Jeer) , Argentina(5 jeer) iyo Netherlands(3 jeer).

Haddii uu goolal dhaliyo galabta Kylian Mbappe oo dhanka weerarka uga ciyaara xulka Faransiiska wuxuu noqonaya ciyartooygii labaad ee ugu da’da yar ee dhaliya goolal cayaarta kama dambaysta ah ee Koobka Adduunka.Wuxaanu hadda haystaa saddex gool.

Saddex kamid ah ciyaartoyda daafaca uga Ciyaara Faransiiska ayaa goolal dhaliyay Koobka Adduunka waxaynay kala yihiin Benjamin Pavard, Raphael Varane iyo Samuel Umtiti.

Mario Mandzukic oo u dheela Croatia iyo Kylian Mbappe oo u cayaaro xulka Faransiiska

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker