Koobka Adduunka: Biljamka oo Kaalinta 3-aad Kaga Guuleystay Ingriiska.

Ciyaaraha-(OWN)-Xulka dalka Biljamka, ayaa ku guuleystay kaalinta 3aad ee tartanka koobka kubadda cagta adduunka, kadib markii ay 2 gool iyo waxba ay kaga adkaadeen xulka dalka Ingriiska.

Thomas Meunier ayaa goolasha ay Biljamka ku badisay billaabay daqiiqaddii 4-aad ee ciyaarta, markaas oo lagu kala nastay 45 kii daqiiqo ee qeybta hore gool iyo waxba.

Markii la isku soo laabtay, ayaa waxa gool labaad ka dhaliyay xulka dalka Ingriiska ciyaaryahanka naadiga Chelsea u Uciyaara ee Edan Hazard daqiiqaddii 82-aad.

Biljamka waa guushii labaad ay kooxda Ingriiska ka gaadhaan inta uu socdo koobkan adduunka. Waxay gool iyo waxba kaga soo adkaadeen ciyaarihii is aragga ee groupyada oo ay labada waddan isku khaanad ku jireen.

waxa la Ciyaari doonaa ciyaarta finalaha oo ay isaga hor imaan doonaan dalalka Croatia iyo Faransiiska.

Faransiiska, ayaa doonaya in 20 sano gudaheeda ay markii labaad koobkan ku guuleystaan, halka Croatiana ay tahay markii ugu horeysay oo ay final timaaddo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker