NABADDA CEEL -AFWEYN UMA BAAHNA DHOOLA-TUS EE CAQLI BAY U BAAHANTAY

Marka duul saraayo iyo dil dhexdoodda ka dhacay Nabadoodda la doonaayo uma baahna Babuur Iyo dad badan oo lays daba-geliyo ee waxa loo baahan yahay keliya aqoon wax kala Guri-taqaan.
Akhristow sidaynu ula socono labadda Beelood ee dagalamaya waxa maalmihii u danbeeyay dhexdooda ka dhacayey dilal aad u foolxun iyo dagaal gaadhay Caruurta Iyo Dumarka,  Horena waxaynu u ogeyn in dad nool la gubay marka ficilka noocaasi yahay ka meesha yaalla.
Waxaa loo baahan-yahay horta in xaalada la dejiyo oo dadka la kasbado si ay kuu dhegaystaan , Adigoo aan Ciidanka RRU Iyo Caga-jugleyn kula kicin Waxaan Leeyahay : Marka aad Hantido kalsoonidda dadka ,  ayaad u Gar-qaadi kartaa, isla-markaana  ka qaldana aad qaban-kartaa.
Hadiise nin coladeed aan weligiiba Nabad ka talin Iyo barti-yaqaan aan Golle rag isku waajahay ama xaajo qaad ka noqon la yidhaahdo Garta-Gooya waxay ila tahay Heestii Geella ee odhan jirtay: “Hargo Madhan side hawli kama tegin Haraadna u dheer!! waxaanse odhan lahaa manta oo dareen la xasuusan karo ah,Heesta “Xeer-Beegti” aan waqti hore u dhiibay Fanaanadda Nimco yaasiin ayaa waxay tidhaahdaa.
Hadaan xeer beegtiyo gar loo wadda Xaakim-noqon
xushmeyn lagu wadda dhaqmeyn,
Miyaa xilli laga Gudbaa
U baahnaa xaajo Qaad .
Wuxu xil-dhibaa
Qofkii in uun wax u xilanayee
Xaqiiqadda hadaad ka Baydho
dib -baad ka xanuusataa
Xususo shalay u noqo
Maxaan xeer kula dhigtaa
Xumaantiyo Sowdigaa wanaagaba kala xadeen
hadaan xamas ururiyo
xogaal talo loo xuleyn wadaan xakab lagu adkeyn
Miyey xaragadu laabta xishoodkaba kan Aqoon

 

abw.Mohamed Xassan douglas (Alle-yaqaan)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker