Shacabka Reer Hargeysa Maayir Calool Dameer ayey iska qaban kari waayeen, oo Xashiishkii Buuxiyey, Wado Xumo & Weliba Boob …

Shacabka Caasimada Hargeysa Maayirka ku caloolayatey xaqoodii, ee
Xaaraanta dibirey & Golaha uu meesha ku hor fadhiyo, ee mid qudhi
hadli karin ee uu aad moodo Malcaamad uu ku haysto, Golihii Deegaanka.
Bal u Fiirso, Wado la,aan Xashiish & Fool Xumo ayey la deris tahay, weliba
wuxuu ku darsadey Eex, Qabyaalad uu Dhica reerkiisa & Jeegaanta uu ka
fuliyo Mashaariicda & wadooyinka.
Maayirka Hargeysa intaa danyar ayaa ka cabanaysa, oo xiitaa Madaxtooyadii
ayaa beerihii Masaakiinta boobaysa, oo uu afhayeen u yahay oo ku andacoo-
nayaa Madaxtooyada Beeraha laga dhisayo, waa been oo waanu ka heshiin-
aynaa.
Maayir Caloosha sida Gafanaha uu ku dibrey waa xoolihii Danyarta, oo kolkii
uu yimid & Imika waa ta Warbaahinta ku jirta,, kolkaasii wuxuu kaga darey
Hargeysa oo uu ku andacoodao Maayir ayaan u ahay, ayuu dhinac ku calaam-
diyaa waa xisbi Mucaarida ama waa Wadani.
Maayirka Hargeysa ka ku xigaa waa ina Cagaweyne oo ma hadli karo, mana
odhan karo waa layna wada doortey ee sidii Xoolaha ayuu ku daba socdaa.
Sidaas Darteed, Muuse Biixi wuxuu ku andacooda Xisbiga Wadani & Mucaaridka, Soltecko qofkii ka cawda waa Wadani ayuu ku andacooda.
Bal Hadaba, Xukuumadan Jeegaanta ee Muuse Shaani & Wasiiradiisa & Maayir
adiisa wixii ay xumeeyaan qofkii ka daaya yidhaahdaa, waa Wadani & Reero
gaara ah , oo Jeegaanta ahayn.
Sidaas Darteed, Shicibka Hargeysa cashuurta ay bixiyaan hakula xisaabtamaan
Maayir Calool Dameer oo badhna ku naaxay sida gafanaha, badhna deegaankiisa & xaafadiisa ku dhisan, xaafadaha kalana Xashiish & wado Xumo
& Boob uu ku hayo ugu soo shaqa taga.
Caasimad Xashiishka, Caasimadii wada Xumada, hadana cashuurta aanay ku
baaqanin, Shicibka hargeysa ha xisaabtamaan oo hurdada haka toosaan.
wabilaahi Tawfiiq.
Asha Jama

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker