Nimanyow Garxajis, weli gumucu meel baydhsan buu gawda ku hayaa!

Hees uu curiyey Xasan Ganay ayaa waxaa ku jirtay midhaheeda: Cudurka kaa gala fardaha
Hadii laga gubo dameer
Dawada lama gaadhayo.

Shirkii aad buurta gacan-libaax dhakadeeda la korteen, go’aamadii aad kala soo degteen waxaa ka mid ahaa: In Sinnaanshiiyo la’aan ay beeshu ka tirsaneyso shaqaalaha dawladda, ciidammada, saraakiisha ciidammada iyo waxii la mid ah. Iyo in saami-qeybsiga dawladdu aanu ahayn mid caddaalad ku dhisan. Idinkoo u nisbeynaya caddaalad-darradaa aad sheegteen waxa aad ugu yeedhaan Jeegaan. Marka dhab ahaan loo kuurgalana cidda keliya ee wax ku maqanyiin waa beesha madax-weynahu ka soojeedo. Cidda kale ee soo raacda ee saami-qeybsiga ugu badan haysataa waa beeshiinan Garxajis ee wax tabanaysa. Markaas, nimanyow Garxajis miyaanu gumuciinu meel baydhsan gawda ku hayn?

Xog mooge xaajo waa dilaa ee Beesha Habar Awal siiba Sacad Muuse tan iyo xukuummaddii Ina Cigaal waxay hantiyeen inta u badan hoggaaminta laamaha dawladda iyo weliba shaqaalo hoosaadka. Taas waxaa u sii dheer in deegaankooda la hormariyo oo ay dheeraad qaataan. Marka la yiraahdo dadka wax u hanbeeyana waxay oran jireen “annagu midida daabkeeda ma hayno oo waddanka madaxweyne kama nihin” haddaba maantay dabinkii galeen; toosh afar indhoodle ahina waa ku shidanyiin oo cudurdaar ma haystaan ee Garxajisow waa fursad ee ragga la xisaabtama ama dee isku qaada meel aan waxba jirin oo marinka seega.

Tuhun waa sed ee Beesha habar Jeclo markay codka siiyeen madaxweyne Muuse Biixi waxay ka filayeen inuu awrka dheeli-tiro oo tolkiis ka soo celiyo waxa aanay xaqa u lahayn. Laakiin waxay u muuqataa inuuba u sii kordhiyey. Waxaa la moodayey nin hal adag oo go’aano adag qaadan kara si wixii khaldamay uu u saxo. Ha yeeshee la mood se noqon waa walaalkeen Muuse. Waxaanay u eegtay inuu ku raadgadanayo magacan Jeegaanta la baxay oo la majaro habaabiyey.

Jeegaani iskuma jirtee nimanka qeybta libaax qaatay ee weliba midida daabkeedana haya maxaa looga warwareegayaa haddii xal la raadinayo. Haddii kale soo arrinku maaha cudurka fardaha galay oo dameer laga gubo.

Habar Awal waxaa la yiraahdaa siyaasi ayey leeyihiin ee madax dhaqameed ma laha, Garxajis waxaa la yiraahdaa siyaasi ma laha ee madax-dhaqameed ayey leeyihiin. Maantay caddaatoo madax-dhaqameedkiinii waa dadaaleen oo tolkood waa ururiyeen laakiin waxay ku fashilmeen wajigii siyaadadda illeyn shaqadoodii maahee. Sababtoo ah cod-bixiyaashii ugu badnaa Soomaalilaan ayey la colaad tameen oo godob ka galeen markay ku soo casuumi waayeen gunaanadkii shirka. Siyaasigiinii dhaliillaanaa goobtaas waa joogay oo ‘waar ka daaya, codbaan doonayaaye’ ma oran. Markaas miyaanay maah maahdaasi dhaboobin.

Walaalayaal Garxajisow haddaa door bideen inaad wax qod qodaan oo inoo kala abtirisaan, dee halkay wax ku maqanyiin toos u abbaara, haddii kale doonistiinu waa bar-kuma-taal iyo biyo col dhaanshay. Waayo waa halkii gaaladee: you are barking up the wrong tree. Midna ogaadoo reerka labaad ee ugu saamiga badani waa reerkiina ee armaanu daalac idiin raacnaa haddii aanu nahay intayada kale ee reer Soomaalilaand ee aan labadiinaa beelood ahayn (Awal iyo Garxajis). Hadal tiro na maaha ee haddaad baadhitaan dhaba sameysaan waa ogaan doontaan.

 

abdirisaaq osman

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker