Madaxweyne Ku-xigeenka oo Kormeeray Dhismaha Jidka Ceerigaabo oo dhismihiisu ka socdo Sanaag

 

Ceeri-gaabo (OWN)-  Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo weftigii uu hoggaaminaayay  ee socdaalka ku jooga degmada Ceel-afweyn  ayaa kormeeray goobo ay si xawli ah uga socoto dhismaha waddada dheer ee ee isku xidha Ceerigaabo iyo Burco  oo qaybo ka mid ah dhismaheedu   gabo-gabo ku dhow  yahay.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa warbixino kaga dhegaystay  hawl-wadeennada jidkaas oo ka waramay siduu u socdo dhismaha waddadu. Siduu ku soo waramay weriye ka tirsan wakaaladda wararka ee SOLNA, waxa hawl-wadeennadu sheegeen in waddadu ay dhawaan la xidhiidhin doono degmada  Gar-adag ilaa  magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Madaxweyne ku-xigeenka JSL ayaa uga mahad celiyay hawl-wadeenada dhismaha jidkaas, waxaanu sheegay in dawladda Somaliland dedaalkeeda isugu gayn doonto isku xidhka gobollada iyo degmooyinka Somaliland.

Dhinaca  kale Madaxweyne ku-xigeenka iyo weftigiisu waxay kormeereen oo socod ku soo mareen gudaha magaalada Ceel-afweyn, iyo ceel-biyoodka ay magaca kula baxday magaaladaasi, iyadoo ay dadka shacabka ahi si weyn u soo dhaweeyeen madaxweyne ku xigeenka iyo weftigiisa. madaxweyne ku xigeenku wuxuu ku guubaabiyey dadweynaha reer Ceel-afweyn inay ka shaqeeyaan ilaalinta nabad-gelyada iyo wada jirka ummadda.

Geesta kalena waxa magaalada Ceel-afweyn ku sii qulqulaya ergooyinka ka qaybgalaya waan-waanta nabadeed ee laga dhex wado laba ardaa oo walaalo ah oo ku diriray degaanka Ceel afweyn ee gobolka Sanaag, waxaa hore u sii joogay ergo tiradoodu tahay 66 xubnood oo 13 ka mid ahi yihiin culimada waaweyn ee dalka, waxaana maalmaha fooda innagu soo haya si rasmi ah u bilaabmaya kulamadii nabadeynta ee rasmiga ahaa.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker