“Itoobiya marnaba maankeeda kama baxo in ay inta ka dhiman dhulalkii Muslimiinta gacanta ku dhigto …”

Sarkaal Sare oo ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa sheegay damaca dowladda Itoobiya ee ku aadan Afar dakadood oo ka mid ah kuwa Somaliya inuu yahay qorshe fog oo mudd laga soo shaqeeyay, balse arrintaasi ay ka hortagayaan.

 

Sheekh Mahad Warsame oo masuuliyiinta Shabaab ka tirsan, wuxuu sheegay Dowladda Itoobiya in loo saxiixay afar dakadood oo Somaliya ka mid ah, taasina ay qayb ka tahay qorshe fog oo muddo badan dowladda Itoobiya ay ku taameysay.

 

Wuxuu sheegay haddii sidan loo daawado damaca dowladda Itoobiya in ugu dambeyn Magaalada Muqdisho ay noqon doonto caasimadda Dowladda Itoobiya sida Yuhuuda loogu aqoonsaday in caasimadooda ay tahay Magaalada Barakeysan ee Qudus, kadib markii Mareykanka uu aqoonsaday.

 

“Itoobiyaanka marnaba maankeeda kama baxo in ay inta ka dhiman dhulalkii Muslimiinta gacanta ku dhigto, xoog ama xeelad middii ay doonto haku qabsato, Imaaradii ugu dambeysey ee Muqdisho ku taallay waa tii qabsatay dabayaaqadii 2006-dii, iyadoo ay horboodayaan rag Somali ah oo dadkoodii iyo dalkiiba gatay, berigaas xabashidu waa lawada xusuustaa, iyagoo lugaynaya ayay badda Xeebta Muqdisho istaageen, qoryihii ayay foodda biyaha badda u geliyeen, iyagoo aaminay in ay wax Soomaali la yiraahdo u dhammaatay mar haddii ay Muqdisho muruq ku qabsadeen balse Laba sano oo Jihaad aanan waxba la iskula harin, Rag badan oo Mujaahidiin ahna ay naftoodii u hureen, Jihaadkaas kadib Ilaahay wuxuu qadaray in Itoobiya in ay Soomaaliya oo dhan lug uga baxdo, damaceedii guracnaana uu beenoobay.”Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Sheekh Mahad.

 

Sheekh Mahad Warsame, ayaa sheegay Shabaab inay joojiyeen dhismaha wado ka timaada dhulka Ismaamulka Somalida Itoobiya, wadadaasi oo la rabay inay toos u gasho Magaalada Hobyo.

 

Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa dowladda Itoobiya ogolaansho u siiyay Afar dakadood oo ka mid ah Dakadaha Somaliya maalgashi inay ku sameeyaan.

Sheekh Mahad Warsame

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker