Darawal Saqraansan Oo Laba Carruur Ah Gaadhi Ku Jiidhsiiyey Magaalada Muqdisho

Muqdisho(OWN)- Laba caruur ah ayaa geeriyooday, laba kalena way dhaawacmeen, kadib markii gaadhi nooca raaxada ah lagu jiirsiiyay wadada UNICEF ee u dhaxeysa Suuqa Beerta iyo Buundada qeybta degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

 

Goobjoogayaal ayaa sheegay gaadhiga caruurtan dilay inuu ka yimid dhanka Ceel-gaabta markii uu marayayna aagga UNICEF uu marqura carruurtan oo taagnaa wadada dhinaceeda ku jiiray.

 

Carruurtan oo ay Da’dooda u dhaxeysay 14 sano ilaa 9 sano ayaa dadka degaanka waxa ay sheegeen inay u socdeen xilligaasi Dugsi Qur’aan.

 

Ninka waday gaadhiga ayaa la sheegay inuu sarqaansanaa, ayna la socdeen dumar, waxayna ka yimaadeen dhanka Xeebt Liido.

 

Qof ka agdhawaa goobta shilka uu ka dhacay ayaa sidan Warbaahinta u sheegay. “Gaadhi yar oo nooca raaxadda ah ayaa ilmahan ku dilay Marshibiyeedka laamiga, kadib markii xoog uu ku socday, carruurta laba ayeey ahaayeen midna 10-sano ayuu jiray midna 12, haa waa ay dhinteen labadoodaba.” Ayuu yidhi goobjoogaha.

 

Ciidamada Booliska Degmada Waaberi ayaa gacanta ku dhigay ninkii waday gaariga yar ee nooca raaxadda ah.

Oodweynenews Muqdisho

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker