“Qaybtii Libaaxa Weeye: Huuno Calaacalka Naga Daaya” Muniir Axmed Cigaal

In badan oo hadana badan xiligii aan xitaa KULMIYE kamidka aha ayaan odhan jiray “Waar Dalkii wuu dheeliye umaadda wax u qaybiya, waar bal shaqaalaha kooban eega sida loo kala bursaday, Waar Ilko Jaamacay miyaydaan arkayn Wasaaraddaha Waxbadashada, Maaliyada, Warfaafinta, Caafimaadka, Madaxtooyada, madax qaybeedyada Agaasimayaasha maamulka iyo lacagta “. Waa niman falane miyay wax maqlayaanba.
Markii KULMIYE guulaystay doorashadii 2010-Kii ee Xaji Axmed Siilaanyo Dalka taladiisa qabtay, laba ayay hoggaamintii noqotay, Qolada Habarjeclo oo xukunka lagu sawiray oo Sawir kur ah lala galay, dhawr qofna laynagu wareeriyay iyadoo xeelad laga leeyahay iyo Qolada Subeeriyada oo awoodi mishiinkii Dawladda la wareegtay. Haday tahay Xajiyadii Aamina Waris oo Nuux Ismaciil iyo Aadan Ciisaba ahayd, haday Zamzam Cabdi Aadan tahay, haday Sahra Qaadi iyo Aamina Timo dheer tahay. Meesha Marna Xirsi iyo Siilaanyo ayaa joogay marna Maxamuud Xaashi iyo Siilaanyo. Intaas Baashe Cawil ayaa labaynaayay. Bal qof kale Ku dar . Hadana wixii dhacay iyaga qaatay tawrada cusub ee Muuse Biixina waabay caydaa “Dal Ilko Jaamac baabisay ayaad qabsaday ayuu dhaha “. Hadda wuu kula dhuuqaayay..
Tusaale kooban: Madaxtooyada oo kaliya .
Afhayeenka Madaxweynuhu Axmed Saleeban Dhuxul ayuu aha.
Taliyaha Ciidamadda Alle hawnaxariisto Faysal Kaamil Ciise .
Agaasimaha Guud Xasan Cabdi Madar .
Maareyaha Samafalka Madaxtooyada Aamina Maxamuud Diiriye .
Xoghayaha Madaxweynaha
Cali Axmed Cali
Agaasimaha Lacagta
Maxamed Ismaciil
Agaasimaha Aarkiifiyada
Axmed Jaamac (Caloolay aabihi)
Madaxa habmaamuska
Fariid Caydaruus Yare
Madaxa dhego dhagaynta
Mr Ruush .
La-taliyaha dhaqaalaha Madaxweynaha
Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha waxbarashada Madaxweynaha
Macalin Daa-uud from Gabilay .
Lataliyihii sharciga Aadan Xaji Cali
Lataliyihii hay’addaha ee Madaxweynaha Cabdifataax Siciid Axmed Safiirka Jabuuti ee hadda
La-taliyaha Ciidamadda General Cabdi Samad
La-taliyaha arrimaha Xisbiga Maxamed Cabdillaahi Cabsiyee Saxiibkay .
Waa inta aan xasuusto, waxa dheera madaxada ururada SONSOF iyo SONYO oo Wasiirka Madaxtooyada iyo Madaxtooyada ku xidhnaa iyo boqolaal idmane ah oo kale . Maanta qof Habarjeclo ah oo warqad Madaxweynaha gaadhsiin kara oo loo dhiibi karo amma codleh oo Habarjeclo ahi kuma jiro iskadaa madaxe. Hadana Jeegaan Jeegaan ayay ku leeyihiin iyagana Jeegaantaba dhalay . Waar yaa tabcaan Dukaankan yar ee aad shaqaalaha ka tahay nagada Ilko Jaamacay ummadiina ku dawakhisaye, mise dherega Huunaha ayaa adigana sad ku ah oo Somaliland-ta kalena aad u dulayn.. Taas xitaa xayawaanku ma yeelo. Hadad KULMIYE soo hadal qaado intaydaan is gadhinba Huunahay mid Ilko Jaamac ah ayay naftu is kaga kiin baxaysa.. kkkkkk. Waliba ammaan kumay helin kumanay nabad galin oo wixii qaylo dhacay ee Cali Guray iyo Maxamed Xaashi Cilmi, Ibrahim Dhegoweyne, Suldaanka guud Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan, Saxiibkay Yuusuf Cabdi Gaboobe, Boobe Yuusuf Ducaale, Siciid Cilmi Dooble Xitaa Roodadii Berbera na ku daroo Dalka wixii ka dhacay waa la ogaa . Maanta xabad Ilko Jaamac ahi ma hadli karto .. Maba laha intaas oo nin oo budh ku maalka yaqaan..
Gebo gebadii waxan xasuusta: Sannad kasta Ilaa 2010-Ilaa 2013-Kii waxa la qori jiray 1500-, oo shaqaale ah oo dawladu qoran jirtay. Cidda qori jirtay Miyaad ogtahay ee qaybin jirtay.. ? Walaa Madaxweyne ma ogayn waa Xirsi Xirsi laynagu wareeriyay. Waxa qori jiray Wasiirka Waxbarashada Zamzam Cabdi Aadan, Wasiirka Maaliyada Cabdicasiis Samaale Iyo Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha Nuux Sheekh .
Adduunka intaasi ismaba raacdo dawladnimada, Ilaa Rer Boorame Samaale ku kaceen oo ka cawdeen cadaalada shaqaalaha oo Madaxweyne Siilaanyo dikreeto ku joojiyay in shaqaale danbe la qoro may joogsan waxaana kala goosan jiray saddexda masuul. Waa nimanka garan waayay Ilko Jaamac waar Gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha ka dhiga Warsangali amma Dhulbahante inta bal hadhay baaqiga ha cadaald sameeya. Marna Muxumad Cabdi from Allaybaday ayaa aha marna Nuux Sheekh Axsan Hargaysaawi Sheekha la siyaarto dhalay.
Markii Cabdicasiis Samaale Wasiirka Maalliyada laga qaaday 300- oo shaqaale Maaliyada ah oo A—- -) ah ayuu sii qoray. Waabu xanaaqsanaaye goormu haleelay?.. Zamzam Cabdi Aadan oo ka danbaysayna way ansixisoo qalin Wasiir ayaa ku dhacay ayay tidhi .
Warfaafinta ayaan joogay.. Midhadh kooban ayaan ahayn, Aniga iyo Axmed Saleebaan Wayne iyo Salma Cabdiraxman Walaaleye.. Waar ma wixii nagu dhacay.. “Tuke baal cad “. Somaliland tii kale ee dulmanayd ayaanu ka baxsan waynay. “ Haa xagga sare ayaa laga keenay, min 2000$ ayay qaataan Ilaa Burco maca UK ma cidbaa ku hadhay “. Allaa hayay hadda isu gayn 5 ma nihin.. kkkk . Sidii aan warfaafinta ku noqdayna waanigii hore idinka sheekeeyay ..
Marka Ahmed Nuur Guurujow Abti Somaliland dalkayga Hadad cabato waa “Huuno waa qaybtii Libaaxe cabasho badanida ma rer Bari ayaad Tahay”… Saxaafadda iyo rayi dacaayadkana waa lagu kala horreeya annagu Ilko Jaamac ahaan waanu necebnahay dacaayadda iyo Saxaafadda sidaa ayaanu Jeegaan ku nahay ee Abti bal idinku la wad wada ..
Tusan
Muniir Axmed Cigaal ..
Birmingham

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker