Masuuliyiin ka tirsan xisbiga Vänsterpartiet ee magaalada Flen ee dalka Sweden oo La Kulmay Haweenka Soomaalida Una Soo Bandhigay Arimaha uu Xisbigu u Qabanayo Dadka Soomaalida Ah

Masuuliyiin ka tirsan xisbiga Vänsterpartiet ee magaalada Flen ee dalka Sweden ayaa kulan muhiim ah la qaatay haweenka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Flen, Kulankan ayaa ku saabsanaa iyadoo ay soo dhowdahay doorashadii dalkan Sweden oo dhacaysa bisha sagaalaad ee sanadkan 2018 ayaa madaxda xisbigu ay kala hadleen waheenka Soomaaliyeed arimo ku saabsan doorashada & qaabkii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dadka Soomaaliyeed oo jaaliyad aad u balaadhan ay ka joogaan dalkan Sweden,

 

 

Kaj Johansson oo ah gudoomiyaha xisbiga Vänsterpartiet ee magaalada Flen & Huda Omar oo ah gabadh Soomaaliyeed oo ka sharaxan xisbiga Vänsterpartiet gaar ahaan magaalada Flen isla markaana kamida hablaha aadka u firfircoon ee ka shaqeeya sidii wax loogu qaban lahaa dadka Soomaalida ah ayaa kulankan kala hadlay haweenka Soomaaliyeed, Mr kaj ayaa ku nuux nuuxsaday sida ay muhiim u tahay in dadka Soomaalida ah ee ku nool dalka Sweden ay doorkooda uga qaadan lahaayeen doorashada dalka Sweden isla markaana ay u codeyn lahaayeen si ay u helaan xaqooda,

Mr. Kaj waxa uu sheegay in marka uu qof kastaa codeeyo inay suuro galinayso in dadku ay doortaan xisbigii ay u arkayeen inuu dantooda ka shaqeynayo isla markaana ay u fududaanayso xisbiga doonaya inuu caawiyo dadka ajnabiga ah inuu fuliyo siyaasadiisa hadii uu helo cod faro badan ama kuraasi badan oo uu ku yeesho baarlamaanka & golaha deegaankaba, Masuuliyiintan ayaa u sharaxay haweenka qaabka loo codeeyo & shuruudaha laga doonayo qofka codeynaya,

 

 

Arinta koowaad ee masuuliyiintan ay xoogga saareen ayaa ahayd in dadka Soomaalida ah in badan oo kamida aanay codeyn taasna loo baahan yahay in doorashada soo socota xal loo helo dadka Soomaalida ahna laga dhaadhiciyo inay dhamaantood codkooda dhiibtaan si ay u helaan waxa ay xaqa u leeyihiin, & qodobka labaad oo ah in xisbiga Vänsterpartiet oo si gaar ah ugu dooda xuquuqda dadka ajnabiga ah gaar ahaan haweenka inuu doonayo inuu fuliyo ama hirgeliyo siyaasado badan oo dan u ah dadka ajnabiga ah taasina ay ku imanayso iyadoo dadka ajnabiga ah gaar ahaan Soomaalidu ay codkooda dhiibtaan,


Kulankan waxaa si faahfaahsan loogu sharaxay qaabka doorashada oo u kala baxaysa sadex nooc oo kala ah,
1- Doorashada baarlamaanka sare
2- Doorashada xildhibaanada gobolka
3- Doorashada xildhibaanada golaha deegaanka,

 

 

Doorashadan ayaa waxaa dalka hogaamin doona xisbiga hela codadka ugu badan ama ugu bata baarlamaanka dalkan Sweden iyadoo Mr Kaj & Huda Omar ay u shareaxeen haweenkan Soomaaliyeed in ugu horeyn qofka codeynaya ay da,diisu tahay 18 jir oo aan la ogoleyn qof da,adaa ka yar inuu codeeyo, sidoo kale waxay sharaxeen in qofka 18 jirka gaadhay isla markaana haysta baasaboorka weyn ee dalkan Sweden uu xaq u leeyahay inuu codeeyo sadexda qeybood ee kala duwan ee doorashada oo kala ah,
Baarlamaanka
Gobolka
Golaha deegaanka ama Kommunka.

Hadii uu qofku haysto baasaboorka yar ama aanuu haysan baasaboorka weyn ee dalkan Sweden waxa uu codeyn karaa labada qeybood ee kala ah
doorashada xildhibaanada Gobolka &
Doorashada xildhibaanada Golaha deegaanka (Kommunka)
Shuruuda keliya ee ku xidhana waa inuu da,diisu ka weyn tahay 18 jir & inuu dalkan Sweden sharci ku lahaa mudo sadex sanadood ah, taasoo macnaheedu yahay hadii aad sharciga haysatay mudo sadex sanadood ka yar in aadan codeyn karin ama aan laguu ogoleyn,

 

 

Ugu danbeyntii madaxdan ayaa sheegay in xisbiga Vänsterpartiet uu leeyahay siyaasad weyn oo ku saabsan dadka ajnabiga ah & sidii loo caawin lahaa waxaana kamida qodobada asaasiga ah ee ay ku doodaan xisbiga Vänsterpartiet

1- In shaqooyin loo sameeyo dadka ajnabiga ah,
2- In la kordhiyo mushaharka dadka ajnabiga ah
3- In sare loo qaado aqoonta dadka ajnabiga ah,
4- In ardeyda dhigata dugsiga sare laga bixiyo lacagta ay ku qaadanayaan liisanka gaadhiga,
5- In ardeyda loo sameeyo caawimo dheeraada dhinaca waxbarashada (Läxhjälp i skolan),

 

 

 

Xisbiga Vänsterpartiet oo kamida xisbiyada dhinaca bidixda ayaa guud ahaan siyaasadiisa ugu weyn ee uu ku ololeeyo waxaa kamida in dadku sinaado oo aanay dadka qaarkiina noqon dad hanti balaadhan haysta & shirkado kuwa kalena aanay noqon dad aan waxba haysan oo dhaqaale ahaan lagu kala sareeyo iyagoo guud ahaan  siyaasadaana ay ku dabaqaaan dadka Swedishka ah & kuwa ajnabiga ahba,  Xisbugu waxa kale oo uu leeyahay siyaasadihiisa u gaarka ah ee uu ugu doodo dadka cadaanka ama Swidhishka ah iyadoo iminka aanu halkan kusoo bandhignay uun qeybtiisa ku saabsan dadka ajnabiga ah & sida uu xisbigu u arko ama ugu doodo in loo hormarin karo ajnabiga oo ay kamid yihiin dadka Soomaalida ah,

 

 

Hadaba xisbiga Vänsterpartiet oo sanadkan ay uga sharaxan tahay magaalada Flen Huda Omar oo ah gabadh macalimad ka ah dugsiga sare ee magaaladan Flen isla markaana soo saartay ardey aad u badan oo ay Huda qeyb weyn ka qaadatay sidii ay ardeydaasi u noqon lahaayeen qaar ku guuleysta waxbarashadooda isla markaana ka gaadha heer jaamacadeed ayaa hadii adadka Soomaaliyeed ee magaalada Flen ay u codeeyaan Ms Huda Omar ay u suuro gelinaysaa inay ka caawiso dadka Soomaalida ah arimaha kala duwan ee ay uga baahan yihiin magaaladan Flen & guud ahaan dalka Sweden,

Oodweynenews/Sweden

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker