Madaxweyne Muuse Biixi oo Ergo u Dirtay Mujaahid Axned Mire Nuux iyo Cidda Iskaga Dab-qaadaysa oo waji-gabax kula kulantay…..

Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay, ilo wareedyo ka ag dhow qasriga Madaxtooyada, ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ergo isku keenta u diray Mujaahid Axmed Mire Nuux oo muddo bil ku dhow ku sugnaa  caasimada Somaliland ee Hargeysa.
Ergada uu u diray Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, uu yahay Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax.
Wararku waxay intaa raaciyeen in Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, kulan la qaatay Mujaahid Axmed Mire Nuux, kulankaas ayaa xoggaha shabakadu heshay waxay sheegeen inuu Mujaahid Mire ku war geliyey Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, inaanu hadda diyaar u ahayn in la isku geeyo Madaxweyne Muuse Biixi.
Hase-yeeshee waxa uu ku wargeliyey Mujaahid Mire, Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali inuu hadda Safar ugu baxaayo Gobolada bariga Somaliland, gaar ahaana gobolka Sanaag, isla markaana ay u ahaato kulankooda Dambe Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali isku soo noqdaan Markuu soo dhamaysto safaradiisa.
La soco wixii kasoo kordha.
farxangul123@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker