Madaxweyne Farmaajo oo Ankara kula kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

Ankara:- (OWN) Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ku sugan caasimadda dalka Turkiga ee Ankara ayaa la kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka ka dib Madaxweyne Farmaajo ayaa bartiisa Twitterka kusoo qoray in xaaladihii ugu dambeeyay ee Dalka ay ka wada hadleen isaga iyo Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxaana uu yiri:-

”Waxaan maanta kula kulmay magaalada Ankara Madaxweynihii hore Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Waxaanu iska wareysannay horumarka, fursaddaha iyo caqabaddaha horyaalla dalkeenna, annaga oo isla qaadannay ahmiyadda ay leedahay iskaashiga iyo wada shaqeynta madaxda haatan iyo kuwii hore ee dalka si loo xaqiijiyo mustaqbal barwaaqo u horseeda dadkeenna.”

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya oo ay ka mid yhiin Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Sheekh Axmed Khayr, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo La-taliyaha Arrimaha Dibadda ee Madaxweynaha Mudane Balal Cusmaan ayaa dalka Turkiga qeyb galay munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker