Garnaqsigii Reer Burco W/Q Garyaqaan Zakarie Sulub Suleiman(Cakaash)

Awalan Umada Reer Somaliland Way Salaaman Yihiin gaar ahaan Saxaafadda Somaliland, Waxaan Halkan Ka diraynaa warqad garnaqsi ah oo ka socota Bulshada burco kuna socota Madaxweynaha qaranka iyo xukuumdiisa gaar ahaan wasiirka arimaha gudaha waana Sidan garnaqsigii reer burco oo kooban.

Mudane madaxweyne magaalada burco waa caasimada labaad ee qarankan waana magaaladii lagaga dhawaaqay gooni isu taagii qarankani ku taaba galay waana magaalo fac weyn taariikh weyna ku leh Somaliland tii hore (1960) dawladii dhexe ee kacaanka Iyo Somalilandta Cusub (1991).

Intaas iyo ka badanba adigoo ogsoon, hadana waxaa marag madoon ah in dayac badana kaga yimi xukuumadihii kala danbeeyay ee taadu ku jirto oo burco hagraday taason aan adeegyada dawlada iyo mashaariicda aan burco wax ku filan la siin, oo ay weliba u dheer tahay maamul xumo.
Gudoomiye (Badhasaab) aan khibrad u lahayn burco iyo isku wadkeeda dhanka bulshada iyo horumarka iyo Gudoomiye Ku Xigeenkii gobolka ood ilawday magacaabistiisa dab iyo heelo toona aanad ka lahayn.

Mudane madaxweyne intaas iyo ka badan adigoo og hadana halka ay burco kasii go,day waxaa weeye dawladda hoose ee burco oo uu ugu horeeye maayar calooshiisa la ciyaar ah oo burcaba jeebka sare ku sita siduu doonayana burco u gala.
Haba u galee mudane madaxweyne haduu keligii ku eekaan lahaa waxba may ahaateen ee isna boob shacabkiina in gaara ayuu u qaybiiyay dhulkii danta guud ee dawlada.

Mudane madaxweyne waxaanu kaa codsanaynaa ugu horayn in aad burco la doorto maayar cusub oo magaalada bilicdeedii dib usoo noolayn karaaya.
Sidoo kalena mudane waa in aad burco usoo magacowda gudoomiye ku xigeen ood malahaaga aad ilowday in muddo ahna booskaasii banaana.
In aad mashaariicda dalka sida SDF,GPLG, Iyo kuwa la midka ah la is wada gaadhsiiyo oo weliba  ad burco wixii xaqeeda ah siiso.
Mudane madaxweyne burco adoo cod ka doonaya uun baad timaada ee mudane adigoo horumar wada baanu ku sugaynaa maalmahan hadii alle idmo.

Garyaqaan Zakarie Sulub Suleiman (Cakaash)
Bachelor Degree Of Economics
Bachelor Degree Of Law (LLB)
Bachelor Master Of Law (LLM)
garyaqaanzaki@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker