Daawo:- Fafaahin Kooxdii Thailand ee Godka Hoose ku Go,doon sanaa oo ugu Danbeyn Maanta la soo badbaadiyay

12-kii wiil ee ahaa koox cayaarta kubada cagta ee wadanka thailand iyo Macalinkooda ayaa lagu guuleystay in la soo badbaadiyo kadib howlgalo qaatay maalmo oo ka socday wadankaasi.

Howlgalkaan badbaadinta ah oo ay ka qeyb qaateen ciidamada bada dalkaasi ayaa maanta oo talaado ah ku dhamaaday si guul ah.

Arintaan ayaa waxaa ay soo jiidatay guud ahaan wadamada caalamka oo maalmihii la soo dhaafay bulshada ku nool ay hadal heyntooda Noqotay Wiilashan cayaara kubada cagta iyo macalinkooda oo ku go,doomay dhulka hoostiisa.

Kooxaha Badbaada ayaa Maalmo ka hor soo samata bixiyay darawal u dhashay wadanka uk iyo 13 ruux oo ka soo jeeda wadanka Hungury kuwaasi oo dhismo ay ku jireen oo ku yaal dhulka hooseeya ay daadad ugu tageen.

Laanta Badbaadada ee dalka Thailand ayaa dadaal adag u gashay badbaadada wiilshan cayaara kubada cagta iyadoo si xowli ah loo guda galay maalintii axada,iyadoo markii hore laga deyrinayay in la helo dad nool.

Afar ka mid ah wiilshan ayaa la soo badbaadiyay Isniintii Shalay iyada oo ugu danbeyn maanta oo talaado ah la helay goor dhow Macalinka Kooxda Wild Boars oo 25 Jir ah iyo mid ka mid ah cayaartoydiisa.

Ehelada ay ka maqnaayeen dadkaan ayaa haatan waxaa sameynayaan daabaal degyo balaadhan iyaga oo aad ugu faraxsan,

Halkan Ka Daawo Muuqaalka

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker