Cabasho Xoogan Oo Oodweyne News Soo Gaadhay Kadib Markii Uu Abdi-shotaly Sheegtay Inuu Ka Mid Yahay Masuuliyiinta Shabakadda

Bahda   Oodweyne News gaar ahaan hawl-wadeenada Oodweynenews  meel kasta ay kala joogaanba waxaan halkan  ku cadaynaynaa  in Cabdiraxmaan Jaamac Axmed (Abdi-shotaly) aanuu wax shaqo-ah ama masuuliyad uu ka hayo  shabakaddan Oodweynenews aanay jirin.

 

Waxaa Oodweynenews todobaadkan soo gaadhay Cabashooyin badan oo ku saabsan abdi-shotaly isagoo baraha bulshada ay ku kulmaan ku sheegtay inuu yahay masuulyiinta  Oodweyne news, arintaas oo dad badan ka yaabisay naguna kaliftay  inaan halkan ku shaacino inaanuu  ka tirsanayn haw-wadeenada Shabakadda Oodweynenews.

Cabdiraxmaan Jaamac Axmed (Abdi-shotaly)

 

Abdi-shotaly kahor 2015 wuxuu ka mid ahaa dadka aragtidooda kusoo gudbiya Oodweyne news waxaanan   maqaaladiisa inaan  daabacno  joojinay  kadib markii ay cabasho fara badan nagasoo gaadhay dad badan uu ku aflagaadeeyey maqaaladiisii wakhtigaas 2015 .

 

Waxaana ka raali-gelinaynaa cid kasta oo dhibsatay sheegashada Abdi-shotaly uu sheegtay inuu masuul  ka yahay Shabakadda Oodweynenews ee faca weyn ee wakhtiga badan rag badani geliyeen lagasoo bilaabo 2007 ilaa  wakhtigan 2018, waxaana u mahadnaqaynaa cid kasta oo wakhti-gelisay mareegtan Oodweynenews intii ay jirtay surto-galna ka dhigay in sidii loogu talagalay u shaqayso .

 

Mahasanidin

Maamulka Oodweynenews
Hargeysa Office

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker