Ra’iisal: wasaarihii hore ee Pakistan Nawaz Sharif oo lagu xukumay toban sano oo xabsi ah

Maxkamad ku taalla dalka Pakistan ayaa toban sano oo xabsi ah ku xukuntay ra’iisalwasaarihii hore ee dalkaasi Nawaz Sharif, kaddib markii ay ku heshay dambi ah eedeymo musuqmaasuq.

Nawaz

Gabadh uu dhalay Nawaz iyo wiil uu soddog u yahay ayaa sidoo kale xukun lagu riday.

Dacwaddan ayaa salka ku haysay guryo qoyska Nawaz ay ku leeyihiin London oo la sheegay in lagu iibiyay lacago ay sameeyeen shirkado ka hawlgalka dibadda dalkaasi Pakistan.

Nawaz Sharif oo hadda ku sugan Britain ayaa xukunkaasi maxkamadda ku tilmaamay kuwo siyaasadeed.

Xukunkani ayaa ku soo beegmayo isbuuc uun ka hor doorashada guud ee dalkaasi, waxaana saadaashu ay muujineysaa in xisbigiisa PML-Nawaz uu guul weyn ka soo hoyn doono doorashadaasi.

Nawaz ayaa hoggaanka xisbigaasi iska wareejiyay kaddib markii maxkamadda sare ee dalkaasi ay soo saartay xukun ah in gebi ahaanba laga mamnuuco siyaasadda.

XIGASHO BBC

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker