DUULIYE SARE ASLI XASAN CABAADE “CALANSIDA” OO HAMBALYO U DIREYSA DHAMMAAN UMMADDA SOOMAALIYEED EE KU NOOL DUNIDA DACALLADEEDA, SANNADGUURADAN 58 AAD EE KA SOO WAREEGTAY 1 DII LUULYO EE (1960) KII.
DUULIYE SARE ASLI XASAN CABAADE “CALANSIDA” OO
HAMBALYO U DIREYSA DHAMMAAN UMMADDA
SOOMAALIYEED EE KU NOOL DUNIDA DACALLADEEDA,
SANNADGUURADAN 58 AAD EE KA SOO WAREEGTAY 1 DII LUULYO EE (1960) KII.
HAMBALYO ** HAMBALYO ** HAMBALYO ** HAMBALYO
HANNOOLAATO 1 DA LUULYO
Naxariistii Jannatil-Firdawsal-Aclaa Allaha siiyo e
Marxuum Cabdillaahi Suldaan Maxamed (Tima-Cadde)
Saaxirkii kala guurnaye
Sarreeyoow ma nuqsaamoow
aan siduu yahay eego e
kaana siib, kanna saar
Halgankii Ummadda Soomaaliyeed ee ay hoggaanka u soo hayeen gobannima-doonkii Soomaaliyeed, taariikh ahaan wixii ka horreeyay qarnigii 18-aad inta’ uusan billaaban duullaankii Dhulka Soomaalida lagu qeybsaday, Soomaalida waxay dhaqan iyo dhaqaalo ahaanba aad ugu xidhnaayeen Caalamka Islaamka, gaar ahaan Dhulalka xeebaha ku teedsan ee Waddankeenna.
Qaybintii Dhulka Soomaalida ka dib, waxaa abuurmay nidaamyo ku cusub Bulshada Soomaalida, kana duwan xeerarkii & sharciyadii ay ku dhaqmi jireen Dadka Soomaaliyeed.
Waxaana aad u yaraaday xiriirkii ay Soomaalida la lahaayeen Dalalkii Islaamka, iyadoo meelo badan oo ka tirsan Dhulalka Soomaalida ay ka bilowdeen dhaqdhaqaaqyo lagaga soo horjeedo maamulkii soo galootiga ahaa ee gumeystaha.
Dhaqdhaqaaqyadii ugu caansanaa ee lagaga soo horjeeday gumeystaha, waxay ahaayeen kii Halyeygii Axmed Garaad Ibraahim “Axmed Gurey” naxariistii Janna Allaha siiya e, sida la ogsoonyahayna ahaa Halgankii Soomaaliyeed kan ugu caansanaa, ahaana Halgamadii ugu horreeyey ee lagaga soo horjeedey gumeystaha.
Axmed Garaad Ibraahim “Axmad Gurey “oo halgankiisu bilowday 1528 kii, dhammaadayna 1543. Axmed Gurey waxaa u suura gashay in uu jabiyo Aabbihii Boqortooyadii Xabashida, uuna gacanta ku dhigo Xaruntoodii Xabashidu, haddaba waxaay ka fursanwayday in ay u yeerato ciidamo shisheeye oo daafaca.
Waxaa ku xigay Halgankii Daraawiishta oo 21-sannadood dagaal ay ku naf waayeen kumanaan Mujaahidiin ah, ayna ku barakaceen in ka badan dadkii Soomaaliyeed ee ku noolaa Gobollada Waqooyiga, khaas ahaan Gobolladii xarunta u ahayd Daraawiishta, waxaana hoggaaminaayey Halyeeygii, Geesigii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan naxariistii Janna Allaha siiya e, waxaana Daraawiishtu halgan wayn ay kula jirtey gumeystihii Ingiriiska muddo ka badan 20 sano.
Markii Ciidammadii Badda iyo kuwii Berrigaba ka huleeleen Daraawiishta, waxaa Ingiriisku go’aan ku gaadhay sanadkii 1919-kii, in uu xagga cirka ka weeraro Ciidammada Daraawiishta, qorshahaas oo Ingiriisku fuliyey 21-kii Jennaayo 1920-kii, maalintaas oo ay xarumihii Sayidka ee Taleex ay soo weerareen Dayaaradihii Dagaalka ee Ingiriiska oo noocoodu lagu sheegay inay ahayeen DH9.
Sida Taariikhdu qorayso, ugu dambeyntiina Halganka Daraawiishta ayaa halkaas ku jabay, kaddibna Halyeygii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan iyo Daraawiishtii intii ka hadhay, ayna u ambabaxeen xagaa iyo Koonfur, waxaa kaloo la sheegaa, in uu Halyeygii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ku geeriyooday Degmada Iimeey 23-kii November 1921-dii.
Tix ka mid ah Gabayadii Sayidka ee Guubaabaad ahaa:
Anaa diiday nabaddiisa, aan daacad noqonayne.
Anaa diiday Deeqdiisa, ay Naari dabataalle’ e.
Anaa diiday Maalintuu lahaa, duunyo iga hooya’ e.
Markey duusho Gaaladu, Anaan daabaddu qabanne .
Kolka’ ay dareeraan, Anaan duul xammaal noqonne.
Diintayda Anigaan ku gadan, dabakhi Naareede.
Anaan labada Daarood tan hore, darajo moodayne.
Dardaarankii uu Sayidku ka tagay:
Dabin buu idiin qoolayaa, waydin dagayaaye
Dirhamkuu idiin qubahayaad, dib u go’aysaane
Marka hore dabkuu idinka dhigi, dumar sidiisiiye
Marka xigana dabbakhaadda, waa idin dareensiinne
Marka xiga dushuu idinka rari, sida dameeraha eh
Marka xiga dalkuu idinku odhan, duunyo dhaafsada eh
Mar haddaan dushii Adari iyo, Iimey dacal dhaafay
Waxaad iga dambaysaanba, waa deyrta maanta ahe
Maxaad igaga digataan, berribuu siin lasoo degiye.
Sidoo kale waxaa jirey Halgamayaal badan oo dhiiggooda iyo hantidoodaba u huray Dhulkooda Hooyo, waxaana ka mid ah Halgamaa Maxamed Cawaale Liiban, oo ka mid ahaa Halgamayaashii Gobannimada Soomaaliya ka soo hooyey gumeysiga, wuxuuna caan ka yahay dhamaan gudaha Soomaaliya.
Wuxuuna Caan ku ahaa uuna sameeyay Calanka Soomaalida 1954-kii, siiyeyna micnaha qotada iyo xeesha dheer leh ee Calanka Soomaalidu xambaarsan-yahayay, kaas oo ah:
1-Xiddigta cad ee shanta gees leh: Shanta qeybood ee Dhulka Soomaalidu degto ka kooban yahay.
2-Midabka buluugga khafiifka’ah: Cirka iyo Badda Dhulka Soomaalida, oo mar walba midabkoodu buluug yahay.
Calanka Soomaaliyeed waxaa markii ugu horreysay Taariikhda la saaray 12-kii Oktoobar 1954-kii, isaga oo ka dhex babbaday Calammadii Talyaaniga iyo Jamciyadda Quruumaha ka dhexaysa.
Iyadoo halgamadaas ujeeddadoodu ahayd, sidii dib loogu celin lahaa dhulalkii Dadka Soomaaliyeed ee gumeystuhu wadaagay ama qaybsaday.
Horraantii sanadkii 1940-kii, waxaa qaybo badan oo dhulka Soomaalida ee gacanta u galay gumeysigii dalka qabsaday ka bilowday dhaqdhaqaaqyo tiro dhaafay. Sidoo kale Waxaa iyaguna la xusi karaa Dagaalkii Siyaasiga ahaa oo gumaysiga looga soo horjeeday, waxaa majaraha u hayey Xisbigii S.Y.L., oo dhidibbada loo aasay 15-kii May 1943.
Xisbigaas baaqa halkudhegga u ahaa waxaa ugu waynaa, ereyga Hannoolaato oo micnaheedu ahaa, waa in qofku naftiisa u huraa, sidii uu aayatiin iyo nolol sharaf leh ugu abuuri lahaa jiilka ka dambeeya. Dhallintii xisbiga u horseeddayna waxay ka koobnaayeen 13 Dhallinyaro.
13-kaas Dhalinyaro fikraddii waddaninnimo oo aay keeneen, waxay noqotay mid lagu liibaanay xaqiijisayna Midnimadii iyo Wadajirkii Ummadda Soomaaliyeed.
Waxaa Halgankii S.Y.L. Mirihiisii la gurtay 1960-kii, markii 1 dii Luulyo ay Qarannimada qaadatay Koonfurta Soomaaliya, ayna la midowday Waqooyiga Soomaaliya ee (Somaliland) oo iyaguna ka xoroobeen Ingiriiska 26-kii Juun ee 1960-kii, waxaana dhalatay markii taariikhda ugu horreysay Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Soomaalaay, haddeynaan is taakulin, tabar yeelan meynee.
Ka tashada Cadaawaha, isku tiirsanaada.
Ax-Yaa Waddanii, Yaa Soomaali Aheey, Ax-yaa Waddanii