Xubno ka mid ah waaxda garsoorka oo xilkii iska casiley

Garsoorayaal iyo kuxigeeno xeer ilaaliyeyaal ka tirsanaa bahda garsoorka ee somaliland ayaa iska casiley shaqadii ay ka hayeen waaxda garsoorka,
Xubnahan oo ku dhawaad lagu qiyaasay ilaa 15 xubnood, ayaa iska casilay shaqada garsoorka mudadii uu gudoomiyaha gudida cadaalada ahaa profisor Aadan Xaaji Cali,Xubnihii ugu horeeyey ee iska casila waaxda garsoorka waxa ka mid ahaa kuxigeen xeer ilaaliye guud
1.Aadan Axmed Muuse (Xero dhiig)
muddo ka dib waxa iguna iska casiley shaqadii garsoorenimo garsoorayaal ka hawl gali jiray maxkamadaha gobolada iyo racfaaanka ee dalka qaarkood waxaana ka mid ahaa
2.C.raxmaan Maxamed Maxamuud (Burhan)oo ahaa garsoore maxkamada racfaanka gobolka Saaxil
3.Xuseen Maxamuud Fadal  oo ahaa garsoore maxkamada racfaanka gobolka Saaxil
4.Xasan Cabdilaahi Cawaale oo ahaa garsoore Maxakamada gobolka M.jeex
5. Garsoore Siciid Geel jire  oo ahaa garsoore Maxkamada G.Saaxil
6. Maxamed Xuseen Caraale oo ahaa garsoore Maxakmada Gobolka M.jeex
7. Yuusuf Biixi Muxumed oo ahaa kuxigeen xeer ilaaliye ka tirsan gobolka maroodi jeex
Geesta kale waxa iayguna hal mar si wada casiley shan garsoore oo ka tirsanaa maxkamada gobolka awdal waxaana hormuud u ahaa gudoomiyihii maxakamada rafcaanka ee gobolka awdal Idiris Faarax,sidoo kale waxa dhawaan isaguna xilkii xafiiska xeer ilaalinta ee gobolka awdal iska casiley Cabdi Haybe wakhtigan ahaa xeer ilaaliyaha gobolka awdal.
Dhamaan Xubnahan is casiley ilaa hada lama oga sababa dhabta ah ee ku kalifay iscasilaadooda.
Geesta kale madxwaynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta kulan la qaatay, Gudoomiyaha maxkamada sare iyo gudoomiyayaasha maxakamada dalka , iyagoo u soo bandhigay waxyaabaha u qabsoomay iyo baahida garsoorka, ee wakhti xaadirkan, iyadoo madaxwaynuhu uu ku amaanay shaqada ay qaranka u hayaan, isla markaana waxa uu balan qaaday inuu  diyaar u yahay inay xukumad ahaan wax ka qabtaan baahida ka jirta garsoorka.
Arinta iscasilaada xubnahan ka tirsanaa waaxda gaarsoorka ayaa isla maanta waxa is casiley xubno kale oo uu ka mid yahay Cabdinagiib Maxamuud oo ahaa kuxigeen xeer ilaaiye ka hawl galla gobolka maroodi jeex
si kataba ha ahaatee lama oga in arintan iscasilaada xubnahani inay la xidhiidho dururfaha ay maanta laga hadlay iyo inay jiraan cabashooyin kale oo aan la ogayn oo sababay is casilaada xubnahan garsoorka .
Gurey Maydhax Media

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker