BEELWEYNTA GARXAJIS WUXUU BUURTA LA KORAY IYO XAALADDOODA IYO BUURTA WUXUU KALA SOO DEGI DOONO.

Beelweynta Garxajis Buurta Gacanlibaax wuxuu la koray isagoo xaaladda Somaliland ku sugantay ka dayrinaya oo arkaya in majarihii loo jeexay in Somaliland ku socoto ee beeluhu dhammaanteed isku raaceen in dib loo unko Somaliland tii lixdankii Somalia lagu daray dib loola soo noqdo. Waxay si wacan u socotaba 2010 kii markii xikunka ay timi Xukuumaddii xisbiga Kulmiye ee SIILAANYO gadhwadeenka ka ahaa wadanka waxaa ku dhashay wiilka JEEGAANTA loo yaqaan oo ah Suul-cawro, Suul-cawro maamul wanaaggii iyo isku wadkii ummadda wuu ka baydhay iyo Ictiraaf raadintii, Siyaasad hunguri buu ku bedelay waxay soo dhiseen seddexdii Madaxweyne ee SIILAANYO ka horeeyey waxaanuu wadankii ku fasaxay in dantii guud la xaraasho oo laga dhergo inta aan waxba haysan ee saboolka ahna sidaa loo qayb qaybin karo loo qaybiyo Xunkunkana lagu taxo la a reer sidaana wadanka lagu hantiyo maamulkiisa iyo maalkiisa. Laakiin sabool wax indha dheer intii kalena way gilgilatay. Waxaa kaloo Dawlad boobkii iyo hanti boobkii ka dhashay kibir iyo isqaadqaad iyo reero dagaal siyaasadaysan lagu istaadho oo dagaalka CEEL-AFWEYN ee Hargeisa laga soo maamulo. Waxaa bilaabantay in Doorasho boob la bilaabo oo aan cid kale xukunka loo ogolaan, waxaa bilawmay in xukuumada tuug ta ah ee Imaaraadka dhilkii badh laga xaraasho iyadoon wax heshiis caalamiya la sameyn ee hoos hoos wax loo kala qaato. Waxaa bilawday in dagaalka TUKA-RAQ oo maanta u muuqda in Somaliland nimadii lagu dhaawacay si aan wadanku ka wada tashan la geliyo TII a keentay oo horseeday MORAL XUMADA SOMALIAND KA HAYSATA GOBOLKA SOOL.

WAXAA LA WADA OGYEY BEELWEYNTA GARXAJIS INAY UMMADDA REER SOMALIAND KALA BADH TAHAY OO AY WELIBA U RAACADAY INAY DEGAANADOODU ISTARAAJIYADDA DAGAAL EE SOMALIAND FADHIYAAN TAASOO ILLAAHAY KA DHIGAY GARXAJIS LAF DHABARTA SOMALIAND. DAGAALKA CEEL-AFWEYN ee reeraha walaalaha la isugu diraa wax kale maaha waa sidii ISTARAAJIYADDA Garxajis Allah siiyey badh loogala soo hadhi lahaa. Arinkaa qabaailka taageersan Somaliweyntii ee deva SOOL iyo Sanaag wey ka dheregsan yihiin. INAHAA WEEYE ARINKA UU GARXAJIS LA KORAY BUURTA GACANLIBAAX EE AY XAL IYO DAWO RAADIS KA U YIHIIN. Waad ogtihiin dadku markuu bukoodo ee cudur xumi ku dhaco naftooda waarbaa dawada inuu qaato lagu kari waayaa oo diida sidaana cudurku ku dillaa. Waa la wada ogyey inuu xukunkii Siilaanyo cudur Jeegaan la yidhaa ummaddii ku riday oo kaga tegay laakiin Muse Biixi si kasta ha ku yimaadee rajo qofkii wax garada wey u muuqataa waayo wax badan oo xumaa badh baa istaagay. Boobkii qasnadda wasaaradaha wuu istaagay. Madaxtooyadii Madaxweynihii ka xanuunsaday ee dadka aan la doorani lacagta ku qaybin jireen wuu istaagay, Madaxweynihii qidhim laga siiyey wuu ina dhaafay. Markaa anigu waxaan arkayaa waxay Garxajis Buurta kala soo degi doonaa inay dawada Somaliland noqondoonto Muse Biixi wax badan ka qaadan doono, halkaa a dagaalka TUKA-RAQ ee reer Somalia soo wadaan iyo hanjabaadda Puntland ay halkaa ku dhammaandoonto. Haddii Cudurkaa JEEGAANTA ee SOMALIAND KU dhacay dawadaa Buurta Gacanlibaax diido waa Somaliland ay rajadeedu dhammaad tahay.
MBashe (Meerkat)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker