SHIRKA GARXAJIS WUXUU CEEL KA SOO SAARAYAA DAMEER CEEL KU DHACAY

Somaliland waa loo soo wada halgamay waa loo soo dhintay waxay soo martay cid  looga sheekaynayaa ma jirto waxay soo martay. Shaqadii wacaynayd ee masuuliyaddii lahayd ee wadanka u Soo qabteen Madaxweyne yaashii hore ee Cabdiraxman TUUR, Mohamed X. IBRAHIM CIGAAL IYO MADAXWEYNE Riyaale runtii wado horuumar in Bay haysteen iyo majarihii ictiraafka laakiin 2010kii markii KULMIYE oo SIILAANYO qabtay hogaanka dalka arintii wadanka waa la duway oo wadankii waxaa lagu dadaalay qaybin ah Jeegaan iyo intii kale ee badanayd iyadoo aan horuumarin guud iyo Ictiraaf loo jeedin ee adduun urusi iyo hunguri galay boobka dantii guud ayaa loo dhaqaaqday, wax waloo la sameeyey horteenay yaaliin dhibtoodiina way ina haysataa. SHIRKA GARXAJIS waa talo wadan oo wadankoo dhan anfici doona talo reer oo qudha maaha, jiritaanka Somaliland iyo israaca Somaliland buu ka turjumayaa. Waayo Siyaasad hunguriga dalkii qaybisay cid ay wax u Soo siddaa ma jirto, 2010kii ka dib Somaliland waxay noqotay DAMEER CEEL KU DHACAY oo si kasta lagu dayey oo la soo Saari kari waayey oo maanta shirkan Garxis ku leeyey waar Dameeraw Ceelka ka soo bax si kasta kugu daynaye. Suaasha waxay tahay DAMEER CEEL KU dhacay oo la soo Saari kari waayey WAAR SOO BAX MA KU SOO BAXAYAA, jawaabtu waa maya ee CEEL kuu ku dhex bakhtiyi doonaa. Wax kasta oo wanaagsan oo shirkaa Garxajis ka soo baxa oo Somaliland u Dana guud ahaan waxba hogaanka Jeegaantu kama dhegeysan doono ee wadan ku Somaliland wadan in hunguri wayni baabisay buu ku dambaynayaa.

Ethiopia isbedel weyn baa ka dhacay oo khuseeya Somaliland, Somalia isbedel weyn baa ka socda oon sidii hore ahayn JEEGAANTA hoggaankeedu ma dareensana oo xoolo urursgii Bay ku mawanyihiin. Dagaalka TUKA-RAQ reer Somalia ma joojinaynaa waayo iyagu waxay u arkaan (golden chance), Dagaalka Ceel-Afweyn istaagi maayo waayo siyaasiyiinta JEEGAANTA qaar baa wada oo u arka guushii ay Madaxweyne u mari lahaayeen, way wadayaan dagaalka CEEL-AFWEYN inta Jeegaani jirto.
Shirkan Garxajis waa muhiima wixii kasoo baxaa Geeska Afrika oo dhan Bay Dan u tahay waxaase kasii muhiimsan oo ah in meel adag la saaro oo aad loo la do guro haddii dheg loo dhigi waayo wixii ka soo BAXO : TALLAABADA LA QAADAY.
Dhibaatooyinka Hawadaa ka soo socda way muuqdaan Xukuumaddii madaxweyne SIILAANYO ka XANUUNSADAY ee musumaasaqa ahayd ayaa wax qabadkii oo dhan ka seexatay oo Dan guud boobka intay ku maqnayd waxaa inagu soo FOOLLE in aan dayaaradi soo fadhiistaan Somaliland, Djibouti waxay yeeli doonto la garanmaayo, Ethiopia xaalkeeda isbedel weyn baa ka jira iyo kacdoono, markaa in Somaliland isku tashato oo midawdo wado kale uma furna, waxaa soo socda Jeegaanimo wadanka wax ma tari doonto.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker