Erdogan oo ku Guulaystay natiijada hor dhaca ah ee Doorashada Turkiga

Ankara (OWN) Hogaamiyaha mudada dheer ee dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa weli ku horreeya natiijada doorashada madaxtinimada taas oo ilaa iyo haatan la tiriyay boqolkiiba 91 cododkii la dhiibtay, sida ay ku warramayso warbaahinta dowladda. Mr Erdogan ayaa waxa uu doorashada ku hogaaminayaa boqolkiiba 53, halka ninka dhaw ee ay ishayeen ee Muharrem Ince uu uruursaday boqolkiiba 30.

Taageerayaasha Madaxweyne Erdogan oo ku dabaaldegaya waddooyinka magaalada Istanbul

 

Taageerayaasha Madaxweyne Erdogan oo ku dabaaldegaya waddooyinka magaalada Istanbul

Haddii Erdogan la xaqiijiyo inuu helay in ka badan boqolkiiba 50 codadka la dhiibtay oo dhan, waxaa lagu dhawaaqi doonaa inay guusha sidaas ku raacday oo aanan la aadi doonin wareeg labaad.

Axsaabta mucaaradka ayaa waxa ay cabasho ka muujiyeen in codadka lagu shubtay iyo inay jirtay wax isdaba marin dhanka codbixinta ah.

Codbixiyayaasha ayaa waxa ay dooranayaan madaxweynaha iyo xubnaha baarlamaanka. Xisbiga Mr Erdogan ayaa ku horreeya baarlamaanka.

Haddaba iyadoo la tiriyay boqolkiiba 88 codadkii doorashooyinka baarlamaanka, ayaa xisbiga Madaxweynaha ee AK waxa uu haatan ku hogaaminayaa boqolkiiba 43, waxaa sidaas ku warrantay wakaaladda wararka ee Anadolu. Xisbiga ugu weyn mucaaradka ee CHP ayaa waxa uu uruursaday boqolkiiba 22.

XIGASHO: BBC NEWS

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker