Leyligu Biyaha Uurkiisa Kujira Ayuu Ka Buubaaye Muuse Biixi Muxuu Shirka Ugu Diidayaa Reerka Garxajis Ee Doorashadii Tanaasuley

Marka Xaqiiqda Laga Haddlayo,Somaliland Taariikh baddan ayaa, soo martey oo mid Waliba waayaheeda lahaa taas,oo ay qeyb ka aheyd kadib markii lagaga takhalusey Taliskii Dawladii Siyaad Barre ee kusoo gurya noqoshadii dalka taas,oo khilaadkii u dhexeeyay Saraakiishii Halganka ee SNM ay saameysay markii dalka la qabsadey islamarkaana, ay ka dhaceen Dagaalo ahli ah oo Sokeeye oo dib ula soo noqoshadii markii lagu dhawaaqey Sanad kadib ku beegneyd, kuwaas oo ay ugu horeeyeen Dagaalkii ka dhacey Saaxil ilaa Togdheer ee lagu waajahey Xiligii Dawlladii u horeysay ee SNM oo uu Hogaaminayey Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali (tuur),oo ay Madaxnimadiisii kasoo horjeedeen Kooxo u badnaa Saraakiishii SNM Milatari oo Mdaxweyne Muuse Biixi ka mid ahaa ugu safka hore ugu jirey Mucaaradadiisii.

Waxa kale oo haddana mar kale jawaabtii Dagaaladaa hore ee ahliga ahi ka dhaceen Somaliland wax yar kadib markii uu talada dalka Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim sanadii 1994kii markaas oo Reerka Garxajis dhinac laga Wadda noqdey islamarkaana, ay Dibadda uga baxeen guud ahaanba Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco, inkastoo marxuum Cigaal waagaasi wajigii hore mooyee, markii dambe soo daba qabateeyay waxa muuqatey in dhinac qudha lawada noqdey, iyaguna ay muteen diif iyo dhibaato culus oo dhimasho iyo Qoxooti dambe ah taas,oo saameysay rag iyo dumar caruur iyo Ciroole intaba sidaa daraadeed baaney yihiin, Reerka kaliya ee Beesha Isaaq Waayo aragnimo dheeraad ah u leh cida ka hor timaada Qaranimada Somaliland ee dhinac laga wada marro dhibaatada ay ka mudaneyso, iyadoo aan marnaba looga baqeynin in ay wadadaa lagu calaamadiyey Wakhtigaasi mar dambe dib u raacaan waxaana markhaati looga noqdey in ay dhacdadaa foosha xumeyd Gobanimo ka qaateen oo aan mar dambe dib looga maqlin hibatateynta Waayahaa lasoo mariyey Xiligaasi.

Haddaba maanta, oo ay muuqatey in mudadii lagu guda jirey Ololaha Doorashada in nabarkaasi dib ugu soo noqon gaadhey kicinta doogtiisu Somaliland kadib markii Madaxweynaha maanta Muuse Biixi Cabdi uu marar badan ku ololeeyay Cirro oo la tartamayey iyo Xisbigiisu  waxa ay ina Geynayaan Xamar,qodobkaas oo ahaa kii uu ka dhacey Dagaaladdaa Sokeeye ee aan kor kusoo xusey.

Gabagabadii Waxa isweydiin mudan mar hadii maanta lagu kala food qaadey Doorashadii Madaxtooyadda ee u dambeysay, islamarkaana, ay jireen dareeno baddan oo Komishanka dhinaciisa ka yimid haseyeeshee,ay tanaasuleen Murashaxii Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan-ciro iyo aqlabiyadii Beesha uu kasoo jeedo ee Garxajis oo taageersanaa miyaaney isweydiin Weydiini ka imaneyn sababta uu Maanta Muuse Biixi oo Madaxweyne ka noqdey Somaliland islamarkaana, ay Godob hore ka tirsanayeen, in uu maanta ka horjoogsado Shir ay kaga tashanayaan aayahooda iyadoo ay Somaliland caado ka tahey awal horeba in beeluhu ay qabsadaan shirar, gaar ah miyaan loo arki Karin in uu Madaxweyne Muuse sigaar ah u bartlmaameedsanayo beeshan marka xadhig iyo cabudhin lagula kaco Qabshasada Shirkaas oo kaliya, geesta kalena miyaan la isweydiin Karin , Waa maxey sababta uu Madaxweynuhu uga baqo qabo shirkoodaa mar haddii arimhii Doorashadda lagu kala food qaadey, miyaaney u muuqaneyn Leyligu Biyaha uurkiisa kujira ayuu ka Buubaa, ma wuxuu ka galey oo gaar ah ayaa jirra mise isaggaa ka xogogaalsan Qolyihii Kulmiye ee isaga taageersanaa, Waxaan kula talin lahaa mar haddii Xukuumadaada loo tirinayo,in ay sigaa ah cadaadis u saartey beeshaasi Dagaaladii ahliga ahaa ee dhawaan ka dhacey Ceel-Afweyn waxaa kuu Wanaagsan inaad kalsooni muujiso,oo aad faraha kala baxdo Shirkaa ay qabsanayaan haddaan illaahey wax kale ka waddin umadda Reer Somalilndna oo ay kujirto Madaxweynuhu Beesha uu kasoo jeedo oo aan annigu kamid ahey waxaa looga baahan yahey in ay, garawshiiyo u muujiyaan Beesha Garxajis culeyska iyo cadaadiska lagu hayo.

Najiib Ismaaciil Maxamed

Gabiley Somaliland

Tell:0634466339

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker