Lacagta Shilinka Soomaaliga Cusub Oo Ganacsatada Magaalada Gaalkacyo Diideen Isticmaalkeeda

Gaalkacyo(OWN)- Magaalada Gaalkacyo ayaa maanta gabi ahaanba laga diiday isticmaalka lacagta Shilinka Somaliga oo dadka wax ku kala iibsan jireen.

 

Dadka reer Gaalkacyo ayaa saaka ku soo toosay, iyadoo Magaalada laga diidaayo in wax lagu kala iibsado Shilin Somali, waxaana lacagta kaliya ee Magaalada Gaalkacyo ka shaqeynaysa maanta ay tahay midda Moobilada lagu shubto iyo lacagta doolarka.

 

Dadka reer Gaalkacyo ayaa kuu sheegaya sababta lacagta Shilin Somaliga isticmaalkeeda lood diiday inay tahay lacag faalso ah oo maalmihii dambe Suuqa soo gashay.

 

“Saaka Magaalada Gaalkacyo lacagtii Shilin Somaliga waa ay diideen ganacsatada, maalin dhaweydbaa niman dhalinyaro ah Magaalada soo galiyeen lacag faalso ah, lacagtaasi ayaa suuqa gashay, waana sababta ganacsatada ay u diideen isticmaalka lacagta Shilinka Somaliga.” Ayuu yidhi qof ka mid ah dadka reer Gaalkacyo.

 

Xaaladda noocaan oo kale ah Magaalada Gaalkacyo dhawr mar ayeey ku soo laa laabatay marka loo eego, isticmaal la’aanta lacagta Shilinka Somaliga oo caqabado kala duwan ay ka dhasheen.

Lacagta Shilinka Soomaaliga

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker