Shirka Garxajis Nabad & Caano ayaanu u rajaynayaa, waa in Beeshu Talo mideysan isku raacdaa, Beesha waxa qadiyey, Hor- umarka Wadanka, Ilayn Cashuur ay bixyaane.

Shirka Garxajis waa inay ka shirtaa aayaheeda, waxa Deegaanadeeda ay uga
qatan yihiin Horumarka, Biyaha, Caafimaadka, Wxabarashada, Wadooyinka &
Horumarka Wadanka Ilayn, Cashuur bixiyayaal weeyaan.
Beesha Dhalinyaradoodu waxay uga qatan tahay, Waxbarashada Debeda ee
Dhalinyarada la diro, Shaqaalaysiinta Hay,adaha Dawlada ee Agaasimayaasha
& INGO<yada looga qadiro, Beesha maxaa Mashaarciida Horumarineed u
diidey deegaanadeeda, Wadooyinka & Biyihii oo laga hor joogo.
Tusaale, Hargeysa Beeshu Koonfurta & Bariga ay degto, Biyihii Xumbo Weyne
waa laga hor joogsadey, oo wuu fashilmey ayey Xukuumadu ku andacootey
iyadoo Beesha loo diidan yahay Dhinaca ay degto, oo lagu aandacoodey dib
haloogu celiyo Geed-Deeble si dhinaca kale ee Biyaha heli jirey uu uuga sii
dhergo.
Beesha Muuse Biixi & Ina Kaahin oo hada Kursiga ugu sareeya fadhiya waxay
93kii ku qixiyeen oo ku laayeen, oo xabad la dhaceen Beesha Garxajis iyagoo
Somali weyn ku sheegay, Muuse & Ina Kaahin tii tu la mid ah ayey Doorasha-
da hada ay boobeen ee dhaceen ee ay Kursiga xaqdarada ugu fadhiyaan ku
cabaadayeen, ku ololeynayeen, Ciro & Beesha Garxajis waa S/Weyn iyagoo
Wadani ku hal qabsanayey, oo ay dib u xoqee Dagaalkii oo kale inuu mar
labaad dhaco, laakiin Garxajis & Umada ayaa ka feejignaatey Dagaal kale.
Codkii Ciro & Wadani oo xoog & Xaqdaro lagu boobey, iyadoo looga dan
lahaa in Ciro diido, Dagaal dhaco lagu calaamadiyo Ciro & Beesha Garxajis
S/Weyntii ayaa ka dambaysa oo Dagaalka ku qasabatey.
Muuse & Ina Kaahin Dagaalka Ceel Afweyn waxay u hiiliyeen, oo u hubeeyeen oo Suldaankii Ina Kaahin Baabuurtii & Hubkii lagu qabtey ay sii
daayeen, si loo gumaado Beesha Sacad Yoonis iyadoo Garxajis ahaan loogu
gumaadayo Magacii & Direskii Ciidamada.
Sidaas Darteed, Shirka Garxajis, Muuse Biixi wuxuu rabaa inaan Dhibaatada
Reerka lagu hayo aanay ka tashan, oo xiitaa Shirkadahooda sida Telesom loo
diidey inay xadhigeeda Bada ku xaniban ee ku daxalaystey, inay soo jiidato
Laakiin D/Shiil & Ina AwSiciid kuwoodu shaqeeyaan, oo Marti Teleson ku tahay Wadanka.
Sidaas Darteed, Beesha Garxajis Shir bay qabsadeen, si fiican u dhacay oo
S/Land Muqadas tahay ayaa ka soo baxay, aanu noqon, ee maxaa Beesha
Dhalinyaradeedii, Shirkadaheedii, Deegaankeed, Saqaalaheedii ay marti ugu
noqdeen Wadanka, ee Biyihii loogu diidey, Wadooyinkii loogu diidey, qandar-
aasyadii looga qadiyey, School Shipka Dhalinyarada uga qatan yihiin, Agaas-
miyassha, aliyaayasha Ciidanka saraakiisha, maxa uga qatan yihiin.
Garaxjis ma marti baa, ma Halgankii ayaanu xoreynta waxba ku lahayn, ma
damiir-lawayaal aan waxba garanayn, cadkooda goosan karin oo iska hurdaa
Garxajis, ma nacasyo lagu dul socdo oo sida doqonka lagu sasabo S/Land
waa Muqadas & Nabad inoo ilaaliya uunbaa.
Hadaba, Garxajisaw shirkaasi yuu idinka noqon, /Land waa Muqadas & Nabada ilaaliya, ee codkiina, cadkiina, & Mustaqbalka caruurtiina, deegaank-
iina waa in ay la qaybsadeen, Beesha Jeegaanta ee /Jeclo & H/awal ee
halinyaradoodu Xafiisyada, Baabuurta Qaaliya, Qandaraasyada, Waxbarashada debeda ee loo diro, & Biyaha ay ku raaxaystaan, ku maydh-
anayaa, ee Dhalinyada Garxajis, aanay xamaaliin, Masaxyaal & waashmaano
u noqon jeegaanta, ee Hurada ka kaca Garxajisaw, oo wax la qaybsada
qayrkiin.
wabilaahi Tawfiiq.
Asha Jama

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker