Xulka Qaranka Nigeria Oo Guul Muhiim Ah Ka Gaadhay Iceland Kulankii ku Dhexmaray Koobka Aduunka

Hargeysa (OWN) Xulka qaranka Nigeria ayaa guushiisii ugu horeeyay ee koobka aduunka ka gaadhay Iceland waxayna Super Eagles kaalinta labaad ka soo galeen Goup D iyaga oo sare u soo qaaday hamigooda ah in ay u soo baxaan wareega 16ka xul qaran ee koobka aduunka.

Ahmed Musa ayaa kulankan wacdaro ka dhigay isaga oo laba gool dhaliyay isla markaana xulka qarankiisa ku hogaamiyay guushan waxayna Nigeria yeesheen 3 dhibcood iyaga oo gadaal iska mariyay Iceland oo ay guul muhiim ah ka gaadheen iyo Argentina.

Iyada oo xulka qaranka Croatia uu xalay u soo baxay wareega 16ka xul qaran ee koobka aduunka kadib markii ay 6 dhibcood heleen waxa uu xulka Nigeria helay 3 dhibcood taas oo la micno ah in kulamada saddexaad ee ay Argentina la ciyaari doonaan uu noqon doono kulan final ah oo xamaasad badan.

Argentina ayaa u bahaan doonta in ay Nigeria guul ka gaadhaan laakiin Nigeria ayaa hadda u bahaan doonta in Iceland ayna ka guulaysan Croatia isla markaana ayna guuldaro kala kulmin Argentina si ay wareega xidiga ugu soo baxaan.

Iceland XI (4-4-2): Hannes Thor Halldorsson; Hordur Bjorgvin Magnusson, Ragnar Sigurdsson, Kari Arnason, Birkir Mar Saevarsson; Birkir Bjarnason, Aron Gunnarsson, Gylfi Sigurdsson, Rurik Gislason; Jon Dadi Bodvarsson, Alfred Finnbogason

Kaydka: Johann Berg Gudmundsson, Bjorn Sigurdarson, Olafur Ingi Skulason, Runar Alex Runarsson, Samuel Kari Fridjonsson, Arnor Ingvi Traustason, Holmar Orn Eyjolfsson, Emil Hallfredsson, Albert Gudmundsson, Ari Freyr Skulason, Sverrir Ingi Ingason, Frederik Schram

Nigeria XI (3-5-2): Francis Uzoho; Kenneth Omeruo, William Troost-Ekong, Leon Balogun; Brian Idowu, Oghenekaro Etebo, John Obi Mikel, Wilfred Ndidi, Victor Moses; Ahmed Musa, Kelechi Iheanacho

Kaydka: Elderson Echiejile, Simy, Ogenyi Onazi, Tyronne Ebuehi, Joel Obi, Daniel Akpeyi, Odion Ighalo, John Ogu, Abdullahi Shehu, Ikechukwu Ezenwa, Alex Iwobi, Chidozie Awaziem

Xulka qaranka Nigeria ayaa doonayay in uu u dagaalamo boobskiisa wareega 16ka xul qaran ee koobka aduunka maadaama oo ay Croatia guuldaro kala kulmeen kulankii furitaanka laakiin Iceland oo maanka ku haysay guuldaradii Argentina ka soo gaadhay xulka Croatia ayaa doonaysay in ay talaabo wayn sare ugu qaado wareega xiga ee koobka aduunka.

Qaybtii hore ee kulankan ayaan noqon mid wax goolal ah la kala dhaliyay inkasta oo ay jireen fursado fiican oo ay labada xul abuureen waxaana lagu kala nastay barbaro gool la’aan ah taas oo aan labada xul qaran midkoodna u fiicnayn.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta xulka qaranka Nigeria ayaa dardar cusub bilaabay waxayna si xoogan u raadinayeen qaabkii ay goolal ku kaansan lahayeen halka Iceland ay ka fikirayeen in ay fursadahooda ka faa’iidaystaan.

DAQIIQADII 49 AAD Xulka qaranka Nigeria ayaa ugu danbayn jabiyay ismari waagii ciyaarta waxaana goolka furitaanka Nigeria u saxiixay Ahmed Musa kaas oo caawin ka helay Victor Moses waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay Nigeria ugu danbayn hogaanka ku heshay.

DAQIIQADII 67 aad Iceland ayaa heshay fursad aad u fiican laakiin Gislason oo ay ahayd in uu xulka qarankiisa ciyaarta dib ugu soo celiyo ayaa fursadan ka lumiyay waxayna Nigeria bilawday in ay raadiyaan goolka labaad si ay ciyaarta u dilaan.

DAQIIQADII 75 AAD Ahmed Musa ayaa gool cajiib ah oo uu si shaqsi ah uga shaqeeyay xulka qarankiisa Nigeria ugu keenay goolka labaad kadib markii uu kubbad ka helay  Kenneth Josiah Omeruo waxayna ciyaartu noqotay 2-0 ay Nigeria hogaanka ciyaarta ku dheeraysatay.

Intaa wixii danbeeyay xulka qaranka Nigeria ayaa helay kalsooni buuxda iyada oo Ahmed Musa uu xaalad xun ku abuuray Iceland oo awoodi wayday in ay goolka barbaraha keensato waxayna Nigeria u muuqdeen kuwo xaalad fiican galay.

DAQIIQADII 80 AAD Xulka qaranka Iceland ayaa helay fursadii ugu fiicnayd ee ay farqiga goolasha ku soo yarayn kareen ee ay xaalad fiican ku abuuran kareen kadib markii rekoodhe lagu abaal mariyay iyada oo  Finnbogasson uu qalad kala kulmay Ebuehi waxaana rekoodhahan lagu go’aamiyay qalabka VAR.

DAQIIQADII 83 AAD Gylfi Þór Sigurðsson ayaa xulka qarankiisa Iceland musiibo ku noqday isaga oo ka dilay rajadii yarayd ee ay heleen isaga oo si liidata u khasaariyay rekoodhaha uu tuuray waxayna ciyaartu sii ahayd 2-0 ay Nigeria wali hogaanka ku haysay.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhaamaatay 2-0 ay Nigeria ku garaacday xulka qaranka Iceland taas oo la micno ah in Nigeria ay 3 dhibcood kaalinta labaad ugu soo gashay Group D iyada oo ka sare martay Iceland iyo Argentina waxaana si rasmi ah loogu kala bixi doonaa kulamada saddexaad oo ay Nigeria la ciyaari doonto Argentina isla markaana ay Iceland wajihi doonto Croatia oo hadaba u soo baxday wareega xiga.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker