XOGTA BAADI-GOOB EE DOORASHADII MADAXWEYNAHA “Afhayeen Qasim A Saleebaan”

BAADI-GOOB:

Xogtan xaqiiqada ah ee Loogu magacdaray “BAADI-GOOB”, Waxay soo bandhigtay Qaybo ka mid ah Musuqmaasuqii baahsanaa ee ku gadaanaa Doorashadii Madaxweynaha S/land ee 13th November 2017 dalka ka dhacday.

Waxay Xogtani iftiimisay Warar badan oon ogayn iyo Qaar naga Dahsoonaaba; Balse isweydiintu waxa weeye “Dhaartii Kitaabku Cafis ma leedahay”; Waxaan fili waa marka Illahayna loo toobad-keeno, Dadkii la Khiyaamayna Cafis la weydiisto “ANIGA WELI CIDNA IMA ORAN NA-CAFI”.

” Nin ku siray Wax kuu Sheeg”.

Xisbiga Waddani:
a) Wuu ku amaanan yahay inuu kalsoonida kala noqday Gudiga Doorashooyinka S/land
b) Waanu ku garab taaganahay inuusan Wax Wadashaqayn ah la yeelan Xukuumada Muuse ilaa ay Sharciyada ku soo noqoto
c) Waa inuusan Ogolaanin kooxdan isugu yeeray Goobjoogayaasha Caalamiga ah ee Michael Wills hogaaminayo “Horena waanu uga dignay kooxdan is-barkan”.

Afhayeenka Yurub
Xisbiga Waddani
Qasim A Saleebaan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker