Somaliland Sidee Ayay U Baajin Kartaa Dedaalka Dowlada Soomaliya Ku Doonayso La Wareegida Maamulka Hawada.

Dowladda Soomaliya waxay in muddo ah dedaal ugu jirtey sidii ay ula wareegi lahayd maamulka hawada oo dhan,taasoo ay ku jirto hawada somaliland. tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaliya, 1991-kii waxaa maamulka hawada gacanta ku haysay qaramada-midoobey, gaar ahaana Hay’ada qaabilsan arrimaha duulimaadka ee ICAO,{ International Civil Aviation Organization}.

Sida aan in badan arkayney dowlada Soomaliya, waxay  go’aan ku gaadhay oo ku dedaalaysaa sidii iyada loogu wareejin lahaa maamulka hawada oo dhan, iyaga oo raba in gacanta loo geliyo furaha maamulka hawada {Airspace Control},kuna doodaya in ay iyagu haystaan sharcigayada maamulka hawaad Soomaliya.

Muddo ka hor dowlada Soomaliya, waxay shaacisay in keensadeen qalabkii maamulka hawada, mar kale ayay sheegeen in ay la soo wareegeen shaqaalihii Nayroobi, ee maamulka hawada, maalmo ka horna waxay sheegeen in hawadii lagu wareejiyey oo lagu maamulayo Muqdisho, taasoo inteeda badan u muuqata been, balse way cadahay in ay ku jiraan dedaalkii u sahli lahaa in lagu wareejiyo maamulka hawada.

 

Somaliland Maxay Ku Baajin Kartaa Dedaalka Muqdisho?

Somaliland waxay haysataa fursado badan oo ay ku baajin karto in aanay Soomaliya, la wareegin maamulka hawada, fursadahaasoo u baahan dedaal iyo faham ku saabsan siyaasada maamulka hawada iyo qorshe cad oo looga baahan yahay in ay la timaaado hay’ada Duulista Somaliland.

Furdaha Somaliland, u banaan waxaa ka mid ah, in la fahmo in aanay jirin maamulka hawo oo lagu wareejiyey Soomaliya, balse ay u diyaar garoobeen sidii ay ula wareegi lahaayeen, sanad ka dibna lagu wareejinayo maamulka hawada, hadii aan somaliland dedaal la iman kana hortegin.

Somaliland waxaa laga rabaa in ay keento qalabkii maamulka hawada oo ay ka mid yahay Radio casri, kaasoo wada gaadhaya dhammaan bariga Afrika iyo bariga dhexeba, taasi oo keenaysa in Somaliland, awood u yeelato in ay maamulato haweeda, weliba qalabkaasi waxaa uu keenayaa in somaliland, laga qabo oo iyada la baryo Somaliland oo awood buuxda u yeelata in ay maamulato haweeda waxay keenaysaa in laga boqsado hadalka ah Soomaliya ayaa hawadii la wareegtey, sidoo kale somaliland oo hesha qalab ay hawdeeda ku maamulato waxay keenaysaa qaranimadii oo xoogaysatey.

Waxaa kale oo Somaliland u furan in ay hay’ada ICAO iyo beesha calaamka ku qasabto in la fuliyo heshiishkii {Istanbul Accord}, ee ay wada galeen dowlada somaliland iyo maamulkii Xasan Sheikh Maxamuud, kaa soo dhigayey in la sameeyo guddi isku dhaf ah oo farsamo {Jointly Steering Committee}, iyo in xarunta maamulka hawadu noqoto caasimada somaliland ee Hargeisa, taasina hadii ay somaliland ku adkaysato waa mid keenaysa in xal laga gaadho arrinta khilaafka hawada.

Qodob ka kale ee somaliland, kaga hortegi karto in Soomaliya, ay la wareegto maamulka hawada waa in heshiish la wada galo, kaasoo ah ka ay soo jeedisay hay’ada ICAO, ayna gadhwadeen ka ahayd xukuumaddii hore kaasoo dhigayey in Hargeisa iyo Muqdisho midba walba lagu rakibo qalabkii maamulka hawada ayna si wada jir ah u wada shaqeeyaan, inkastoo ay Soomaliya doonayso in ay Muqdisho noqdo Raadaalka koobaad ee shaqaynaya, haregeisana, ay ahaato ka labaad ee shaqaynaya marka loo baahdo.

Waxaa imanaysa oo muhiim ah in dhaqaalihii ka soo xeroonayey maamulka hawada la wada qaybsado si siman iyo in la sameeyo guddi labada dhinac ah oo siyaasada ka madax banaan oo ka wada shaqeeya arrimaha hawada, sidaasna lagu soo wareejiyo maamulka hawada.

Arrimahaa aan kor ku spp xusay waa fursadaha somaliland  u banaan in ay kaga hortegi karto in Soomaliya, keligeed ay la wareegto maamulka hawada, taasoo keenaysa dhibaato wayn hadii ay Soomaliya, u suurta gasho, ta ugu muhiimsan ee loo baahan yahay in ay somaliland, la timaado waa iyada oo keensata qalab casri oo lagu maamulo hawada somaliland.

Somaliland, waxaa kale oo ay haysataa shaqaale u tababaran maamulka hawada {Air traffic Control}, oo ku filan maamulka hawada sida hadaba aan uga maaranay dadkii ajaanibka ahaa, waxaa kale oo mihiim ah in la fahmo in qubarada tabaraysa shaqalaaha muqdisho, ay dhamaantood yihiin aqoonyahano  reer somaliland ah oo heshiish kula jira hay’adaha ICAO iyo mashruuca maamula qaybta Soomaliya, ee loo yaqaano FISS, {Fight Information Services For Somalia}, taasoo muujinaysa in aanay Muqdisho lahayn dad aqoon leh oo u maamula arrimaha hawada, taasina ay ku qaadanayso muddo dheer sida ay ula qabsadaan

Gunnaanad

 

Waxaa looga baahan hay’ada Duulista somaliland, in ay la timaado dedaal iyo qaabkii loogaga horti lahaa in ay Soomaliya, la wareegto maamulka hawada keligeed, waxaa kale loo baahan yahay in aqoon la adeegsado iyo siyaasad cad oo lagaga hortegayo Propaganda-dada ay faafinayso wasaarada Duulista Soomaliya.

 

Cabdilaahi Axmed Caarshe, Hargeisa, Somaliland.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker