Shirweynaha Garxajis Waxaan Leeyahay Isku-Duubnibaa Shalay Lagu Daabay Gudintee Dhillataye Maxaa Dana? Madaxweyne Muuse Biixi-na Waxaan Odhan Lahaa Dawga Aada Boorame Kuma Geeyo Daafeed? Qormadii 2 aad:

Had iyo jeer shirarka la iskugu yimaadaa,nooca ay doonaan-ba ha ahaadaane,waxay u qaybsamaan laba qaybood. Shir wuxuu noqdaa mid aan waxba laga dhaxlin,oo wax faa’iido ahi ka soo bixin,nuxurkiisuna uu noqdo gole ama fagaare lagu hasaaway, ama lagu kaftamay ka dibna lagu kala tegay. Shirka labaad waa shir in mudo ah la gorfeynayey ama la soo rogrogay ajandaha ama qodobada shirka lagaga hadli doono,iyadoo shirkuna leeyahay jadwal qoran oo uu ku socdo,iyadoo qodobadda shirka lagaga doodayana mid mid loo kala qaadayo.

1: sida arrimaha siyaasadda

2: arrimaha dhaqaalaha

3: amniga iyo wada-noolaanshaha dadka

4: qaybaha kala duwan ee arrimaha bulshadda sida; caafimaadka,waxbarahsadda,biyaha iyo adeegyada la mid ka ah.

Haddaba, shir kasta oo la qabto hadii uu yahay shir beeleed iyo hadii uu yahay shir ay gobolo kala duwani iskugu yimaadaan, iyo hadii uu yahay shir ay dawlado ku kulmaan,shirkaasi guushiisa iyo guul daradiisu waxay ku xidhan tahay,labada qodob ee kala ah:

1: qodobada shirkaasi ka soo baxay ma yihiin kuwo ay faa’iido ama dani ugu jirto dawladaha shiray iyo kuwa la dariska ah,beelaha shiray iyo kuwa la dariska ah.

2:  qodobadii shirkaasi ka soo baxay ma noqdeen kuwo la fuliyey oo lagu dhaqmay? Hadii qodobadii ka soo baxay ay fuleen shirkaasi wuxuu noqonayaa shir lagu guulaystay hadii-se qodobadii shirkaasi ka soo baxay ay fulin waayaan shirkaasi wuxu noqonayaa shir lagu guul  daraystay,sidaasi darteed shirweynaha beelaha Garxajis ee ka furmaya Buurta Gacanli-baax 23/6/2018-ka ,waxa laga filayaa inay ka soo baxaan qodobo ay faa’iido ama ay dani ugu jirto guud ahaanba umadda Somaliland iyo weliba nabad ku wada noolaanshaha,dawladaha aynu gobolka ku wada noolnahay,maah maah soomaaliyeed ayaa jirta oo tidhaahda“nimaan waxa soo socda garanin waxa jooga ma garto”.

Taladda hadii lagu bineeyo cadho,caadifad iyo lab la kac waxay noqotaa hal bacaad lagu lisay ama biyo col dhaanshay,hadii-se saddex qodob la eego oo taladda lagu bineeyo,taladaasi waxay noqotaa talo raandhiis leh,oo aayo boqolaalka sanno ee soo socda.saddexdaasi qodobna waa saddexa qodob ee ay aduunyaddu u qaybsan tahay.

1: wax tegay

2: wax taagan

3: wax soo socda

Haddaba,wixii tegay waxa laga dhaxlaa taariikh laga tusaale qaado wanaageeda iyo xumaanteeda-ba.

Waxa soo socda oo aan sadaalin karto halka ay ku dhamaan karto iyo waxa markaa taagan oo aan ka go’aan qaadan karto,adigoo isticmaalaya halku dhigii ahaa“Waxaa Bir Ku Gooya Talo, Markay Gondihiisa Taal Nimaan Geesaha Ka Dayin”.erayadan oo aan ka tix raacay mid ka mid ah suugaantii Allaha u naxariistee Abwaankii Maxamed Xaashi Dhamac “Gaariye”,suugaanta kale ee aan ku xasuusto Abwaan Gaariye waxa ka mid ah,cid kasta oo uu arrin iyo aduun ba ka dhaxeeyo lagama waayo mid damac badan oo isku daya in uu waxaba wada qaato,waxana uu Abwaanku ninkaasi damaca badan u tilmaamay in dabiciisa ay ka weyn tahay danta guud,ee meesha taala iyo waxa la isku yahay,waxana uu yidhi“Rag uu ka dhaxeeyo Geel hadduu kala geeyo damac waxaa isu geysa dane Alloow garansii nin moog”.

Haddaba,akhriste waxaan jecelahay in aan qoraalkayga ku soo gabagabeeyo mid ka mid ah suugaantii Allaha u naxariistee Abwaankii C/qaadir Xirsi Yemyem markii sanadihii danbe ee kacaanka uu arkay umaddii soomaaliyeed oo u qaybsan tahay laba qaybood qayb sida gafanaha ugu naaxay xoolihii umadda ka dhaxeeyey iyo qayb kale oo ay ku adagtahay in ay helaan quutal daruurigii ay ku noolaan lahaayeen,yuu Allaha u naxariistee Abwaan Yemyem uu tiriyey maansadisii qaran oo u yidhi“qab qab dhaafay iyo waxaan arkaa qaadan kari waa,dadweynahan qamaamay ee fardaha qoobabka leh fuushan ee sugaya qaynuunada sare in loo qaado,qar qarsigu hadduu xadhiga adag qoofaladda goosto, qiyaamaha masuul yaa ka noqon qaan dad baan hadhin,miyaan-se qaranka loo wada sinenyn nin iyo qaybtii”.

 

Isku soo wada duuboo Shirweynaha Garxajis Waxaan Leeyahay Isku-Duubnibaa Shalay Lagu Daabay Gudintee Dhillataye Maxaa Dana?  Madaxweyne Muuse Biixi-na Waxaan Odhan Lahaa Dawga Aada Boorame Kuma Geeyo Daafeed?

 

Qormadii 2 aad:

La soco qaybaha danbe ……………………………………………………

Qoraa: Cabdirisaaq Suudi Nuur

Tel:4425243

Email:suudi786@gmail.com

Hargeysa/Somaliland

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker