Madaxweyne Muuse Biixi Oo u gudbiyey Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Dacwad Ka Dhan ah Ergaygooda Somalia

Hargeysa (OWN) Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa Warqad cabasho ah u diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres taasoo ku saabsan Baaqii uu Ergayga QM ee Soomaaliya, Michael Keating kasoo saarey Dagaalka Tukaraq.

Warqadan oo kaso baxday Xafiiska Madaxweyne Muuse Biixi 18-kii bishan June ayaa lagu wargeliyay António Guterres in Somaliland aaney ku faraxsanayn hadalka Keating, oo ay u aragto inuu ahaa mid dhinac-jira, oo aan ka tarjumeynin xaqiiqda colaada gobolka Sool.

Somaliland ayaa ka cadhootey inuu Keating la barbar dhigay Puntland, oo uu ku sheegay baaqii uu kasoo saarey xaaladda gobolka Sool in labada maamul looga baahan yahay inay kawada shaqeeyaan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Soomaaliya iyo inay ka qeyb noqdaan hanaanka dowlad-dhisida dalka.

Michael Keating ayaa qoraalkii uu kasoo saarey dagaalka Tukaraq 10-kii June ugu baaqay Somaliland iyo Puntland inay joojiyaan colaadda, islamarkaana labada dhinac ay wadahadal ku dhameeyaan khilaafka keenay gacan-ka hadalka.

Somaliland ayaa sheegtay inay soo dhaweynayso Baaqa Keating ee ah in dagaalka la joojiyo, la wadahadlo, islamarkaana kaalmooyinka bini’aanimo loo ogolaado inay gaaraan dadka ku dhibaateysan deegaanada ay colaadda ka taagan tahay.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay in Keating uu la wadaagey aragtida Somaliland ee ku aadan Tukaraq markii uu booqashada ku tagey Hargeysa, kuna kulmeen Madaxtooyadda 14-kii May ee sanadkan, xilligaasi oo ku wargeliyeen in cida ay dagaalka kula jiraan aysan ahayn Puntland.

Qoraalka uu u diray António Guterres ayuu Muuse Biixi ku sheegay in Somaliland ay nabad ahayd 27-kii sano ee lasoo dhaafay, sidoo kalena nabad kula noolayd deriskeeda, kana soo horjeeday colaad ka dhacda gobolka iyo argagaxisada.

“Marka laga hadlayo dagaalka Somaliland iyo Somalia ee Tukaraq, waxaan rabaa inaan sheego in Somaliland ay 70-KM u jirto xuduuda Somalia ee la sameeyay 1894 xilligii gumeysiga,” ayuu ku yiri Muuse Biixi qoraalka uu u diray Guterres.

Somaliland ayaa ku celisay in cida ay kula dagaalamayso Tukaraq ay tahay dowladda Federaalka, hadii ay timaado in la wadahadlana ay kaliya kala fariisanayaan arintan Xukuumadda Muqdisho, iyagoo meesha ka saarey Puntland.

Akhri Warqadda Madaxweyne Muuse Qoray oo Af English ah:

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker