Maxkamadda Ciidamada Maamulka Jubbaland Oo Xukun Dil Ah Ku Fulisay Saddex Askari

Kismaayo(OWN)- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland ayaa maanta xukun dil ahi ku fulisay saddex askari, oo ku eedeysnaa in ay saddex qof siyaabo kala duwan u dileen.

 

Mid ka mid ah askarta la toogtay ayaa ku eedeysnaa in dhawaan uu Magaalada Kismaayo ku dilay xaaskiisii, oo lagu magacaabi jiray Muxubo Maxamed Guure.

Askarta la toogtay ayaa lagu kala magacaabi jiray C/laahi Asad Ismaaciil, C/rashiid Axmed Xasan iyo Aadan Cabdi Muumin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker