Madaxweynaha Turkiga Oo La-saadaalinaayo Inuu Markale Ku Guulaysto Hogaaminta Dalkiisa

Ninka ugu cadcad dadka madaxweynaha Turkiga kula loolamaya doorashada madaxtinimada ee Axadda dhici doonta ayaa fagaare dad badani iskugu soo baxeen kala hadlay taageerayaashiisa magaalada xeebta ku taal ee Izmir.

Muharrem Ince, oo ah hogaamiyaha xisbiga cilmaaniga ah ee Jamhuuriga Shacabka ayaa ku tilmaamay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan nin daalay, gooni socod ah oo keligii qummane ah, waxaanu mar labaad ku celiyey ballan qaadkiisii ahaa in uu dalka ka qaadi doono xaaladda deg degga ah ee labada sanadood ah ee dalka la saaray.

Lama xaqiijin karo in ay dhab tahay sheegashada dadkii isku soo baxaa qabanqaabiyey ee ah in tirda dadku gaadhaysay laba milyan iyo badh, laakiin waxa muuqatay in dad badani iskugu soo baxeen xeelliga badda.

Balse Madaxweyne Erdogan ayaa loo badinayaa in uu ku guulaysan doono doorashada madaxtinimada laakiin Ince ayaa ku rajo wayn in ay wareeg labaad isla gaadhi doonaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker