Dr. Ibraahim Alfiqi & Horumarkiisii! W/Q: Sayid Maxamed Cumar “Darwiishka”

Waxa jiray wiil yar oo ku hammiyi jiray in uu noqdo qof  dadka ka duwan oo muhiim ah. Wuxuu hadafkiisa koowaad ahaa in uu noqdo mid ka mid ah maamulayaasha huteellada adduunka ugu waaweyn ugu na caansan. Wiilku mar walba oo uu hammigiisa u soo bandhigo  dadka waa ay niyad jebin jireen, waxa aanay u sheegi jireen in uu riyo been ah ku riyoonayo, balse wiilkii marna ba ma ay joojin waxa ay dadka kale ka aamansin  yihiin, sababta oo ah isaga waxaa u caddeyd waxa u rabo iyo waxa uu rumeysan yahay oo kali ah iyo in uu noqon doono maamuleyaasha mid ka mid ah huteellada adduunka ugu waaweyn.

Wiilkii wuu waynaaday waxaana uu dhammeystay dugsigii sare kaddibna waxa uu galay Jaamacadda, waxaa na uu qaatay waaxda maamulka iyo maareynta huteellada, taas oo ibofur u noqonaysay yoolkiisa. Ugu danbeyntii wiilkii waa qalan jebiyay, bilo yar ka bacdina waa uu guursaday. Intaas kadibna waxa uu u haajiray dhankaas iyo Waddanka Kanada. Balse markii uu yimid Kanada waxa uu la kulmay dhibaatooyin badan oo ay ka mid yihiin aqoon la’aan ka haysatay luuqadda waddanka oo aanu aqoon, iyo shahaadadiisii oo aan ahayn mid laga aqoonsan  yahay kanada. Dhibkaas wiilka soo gaadhay waxa uu sababay in  uu wiilkii isku buuqo, isla jeerkaasna uu ka tanaasulo yoolkiisii, isla markaasna uu iska raadsado shaqo aan ahayn middii uu ku hammiyi  jiray. Waxaanu marar badan go’aansaday in uu Waddanka isaga tago oo uu ku noqdo Waddankiisii uu ka yimi oo ahaa Masar, haddana waxa ay naftiisu sawiratay in uu haddii uu Waddankiisii ku noqdo in ay saaxiibadii iyo dadka kale ba ay ku wiirsan doonaan, waxa kale oo sawirtay in haddii uu iska joogo halkan in aanu shaqo helayn, sababta oo ah shahaado shaqeynaysa ma wato, ma na aha muwaadin dhalad ah. Labo daran mid dooro ayaa wiilka maskaxdiisa ka dhex guuxday.

Wiilkii oo  sidii ah, rajadiisii iyo riyadiisana ay naxashka saaran tahay ayaa habeen seexday. Wuxuu ku riyooday aabbihii oo leh, “Wiilkaygiiyoow xasuusu ayaaddii uu Alle SWT ku lahaa, “Ilaahay ma beddelo qoomna  ilaa ay iyagu beddalaan waxa ay nafahoodu ku sugan tahay.” [Suuradda Alracdi 11].

Haddaba riyadaasii wiilkii way dhiirrigalisay, waxaa nu bilaabay in uu noloshiisa kabo,waxa uu beddelay dhammaan fikirkii tabnaa ee uu aaminsanaa, waxaanu ku beddelay mid togan. Wuxuu aaminay in  aanay shiishiyenimadiisa iyo shahaahadiisu ahayn kuwo ka hor istaagaya in uu horumar gaadho. Wuxuu aaminay in uu wax walba karo oo uu qaban karo. Sidii ayuu wiilkii ku shaqo galay, waxaanu shaqadii hudheelka ka bilaabay in uu saabaanka maydho.

Sannadkii 1980kii wiilkii waxaa ku dhacay shaqo la’aan kale, wakhtigaas na ma jirin qarash kayd ah oo uu haystay. Isla markii ba na waxa cisbitaalka la dhigay xaaskiisii oo lagu qalay labo hablood oo mataano ah. Intii ay mataanahaa iyo hooyadoodba ay cisbitaalka ku jireen waxa  wiilkii dusha ka soo fuulay qarash aad u badan, hase ahaatee wiilkii waa u dhabar-adeygay dhibtaas waxaana uu ku dadaalay in uu shaqo raadso. Nasiib wanaag waxa uu hudheel ka helay in uu noqdo caawiye, kaas oo uu quudkiisa iyo midka qoyskiisa ba uu ka soo turufotooreeyo. Kolba talaabo qaad, dadaal badan ka dibna markii ay taariikhdu ahayd 1986kii waxa uu noqday maamulihii ugu sarreeyay hudheelka. Intaas ka dib waxa uu horumar gaadhsiiyay hudheel, waxaana uu tayeeyay shaqaalihii huteel, isla jeerkaas na waxa  kale oo horumar ka sameyay oo kobciyay heerkii aqoontiisa isaga meelo badan aqoondirsi (Distance learning)wax ku bartay, jeeroo uu noqday ardaygii ugu wanaagsanaa ardayda Kanada ee guryaha wax kubaratay.

Haddaba isaga oo nolol barwaaqo ah ku jira ayaa waxa si kadis ah ku dhacday arrin aanu filayn, taasoo ah in Mulkiihii huteelka lahaa uu iibiyay huteelka isla jeerkaasna uu wiilku fasax yahay, xitaa iyada oo laga la wareegay gaadhigii abaalmarinta loo siiyay. Sida oo kale na ay saaxiibadii uu kalsoonaa ay ka garab baxeen cidlana ay ka dhaqaaqeen.

Wiilkii isaga oo murugaysan ayuu u lugeyay dhankii gurigiisa, ka dib markii uuu gaadhay gurigiisa wuxuu soo xasuustay buug uu kaydin jiray fikrad kasta oo muhiim ah  maskaxdiisii na ku soo dhacda. Waxoogaa haddii uu buugga isha yara mariyay waxa uu ogaaday in fikradahan uu buug ka sameyn karo. Waxaa na uu ka sameeyay buug. Kadib waxa uu u soo bandhigay madbacada si ay u daabacaan, nasiibdarro se waa ay diideen in ay dabaacaan oo ay u maalgeliyaan. Ugu danbeyntii se isaga ayaa qarash yar oo uu hayay ku maal galiyay oo daabacay.

Nasiib wanaag kolkii uu daabacay buuggii waxa uu noqday buug aad u caan ah, seddexdii bilood ee u horreyayna waxa uu iibiyay shan kun oo koobbi. Waxaana uu bilaabay in uu dadka u jeediyo muxaadirooyin dhanka nolosha ah, isla sida oo kale na wuxuu soo  saaray buuggaag kale oo aad u fura badan kuwaas oo ah buugta adduunka loogu jecel yahay. Waxaa na uu wiilkii gaadhay nolol iyo horumar aanu waligii arag, xitaa aanu riyo ku arag.

Waxaad is wayddiinaysaaa cidda uu yahay wiilkaas laga sheekaynayaa. Cid  kale ma aha, waa Ustaad Ibrahim Maxammed Sayid oo loo garan ogyahay Ibraahim  Alfiqi —Rabbi Jannada ha ka waraabiyee. Runtii Dr. Ibraahim  Alfiqi waxaa u noloshooda beddelay dad malyuunaad ah oo maanta ku nool adduunka guudkiisa, waxaana uu ka tagay dhaxal aan duugoobi doonin. Alle qabriga ha u nuuro.

 

W/Q: Sayid Maxamed cumar  “Darwiishka”
Tell: +252-63-0634381712
Email: awdaahir2050@gmail.com
Facebook: Sayid Maxamed Darwiishka

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker