Shacbiga Sool Ma Diidana Somaliland Ee Waxaaney Qaadi Kareyn Wafti Wasiiro ah oo Intey Hargeysa Kaga Yimaadaan Iyagoo Is Haysta Caqabad iyo Curfi Kaga Tagga

Magaalada Laascaanood ee xarrunta Gobolka Soo loo ay indhawaale ku sugnaayeen, Wafti ka Socda Xukuumada Somaliland,oo noqonaya kii Tobnaad ee Gobolkan loo Soo diro inta ay jirtey Xukuumada Muuse Biixi Hogaaminayo, inkastoo kan u dambeeyay kaga duwan Wufuudii hore ee Wasiiradda iyo Masuulyiinta is khilaafsan,ee haddana Wada Socda sidii caadadu aheyd lataliyaha Madaxwaynaha ee dhinaca Arrimaha Bulshada Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan,oo dhalinyaradda Laascaanood intooda badani ogoshahey shakhsiyadiisa fiican islamarkaana, kulamo kala gedisan la yeeshay qaybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada Laascaanood iyadoo ujeedada kulanadiisu daarnaayeen xoojinta Nabedgelyada Gobolka iyo sidii Shacbiga Laaska iyo Xukuumaddu iskaga kaashan lahaayeen Nabedgelyada deegaankaas oo dhawaanahan ay saamayn ay ku yeelatay xaalada dagaal ee Tukaraq,iyo hadalo loo aaneynayo khudabado ka dhacdhacey Madaxweynaha.

Haddaba anigoo ah Cabdiqani Ismaaciil Goox oo kamid hormuudka Bulshada Magaalada Laascaanood,Waxa aan si kooban wax uga iftiiminayaa midha dhalka kulanada Waftiga uu hogaaminayey,  Lataliyaha Madaxweynaha ee Dhinaca Arimaha Bulshada oo kasoo jeeda Gobolkan, iyo Waliba Xaalada Guud ee Gobolka iyo halka xudunta u ah Khilaafaadka,Rabshadaha iyo arimaha isbarkan, ee Gobolka iyo Degmada Laas-caanood ku noqdey Nabar dusha ka dheyga ah ee mar walba Doogtiisu soo kacdoonto.

Xaalada Magaalada Laascaanood iyo guud ahaan ta deegaanku, waqti Xaadirkan aynu kujirno waa  mid aad uga degan sidii ay aheyd maalmo ka hor,oo xiisadeedu kacsanaan, iyo xaalad xasaasi ah oo aan xasarad yareyn, islamarkaana, soo Xusuusineysay Bulshada wakhtiyo hore oo lagaga soo gudbey waayo adag iyo duruufo aan u wanaagsaneyn Nolosha Caadiga ah ee Aadamuhu u baahan yahey, maadaama Gobolkan iyo dadkiisa ay ragaadisey kalsooni darro badan oo had iyo jeer kasoo waajaha shakhsiyaadka loo qaato in ay ku mtelaan Saamiga Siyaasadeed iyo xilalka Qaranka Somaliland.

Xaqiiqdiina, marka si dhab ah loo abaaro halka ceynka iyo beydku iska weydaarteen, Shacbiga Reer Laas-caanood iyo Deegaanada Gobolka Sool ma aha kuwa Diidan Dawladnimadda haseyeeshee,waxa aaney qaadi kareyn oo aaney u baahneyn in Dawlladnimada Loo sheeganayaa noqoto mar ay Soo gaadhaan Kooxahaasi,ka yimaada Dhinaca Hargeysa, oo cagta soo galiya kadibna kaga tagga Caqabado iyo Curfi ay abuureen oo saameyn ku yeesha Bulshada, iyadoo aaney habayaraatee jirin Qodob muhiim u ah adeegyadda aasaasiga ah oo ay u Waddaan ama uga tagaan Shacbiga, weynu wada ognahey in Bulshadu mar Walba u baahan tahey ka warheyn iyo in Xukuumaddu la Socoto xaalaadkooda maadaama ay qabaan durruufo fara badan oo Arimaha Bulshada Ku xidhiidhsan oo isbiirsaday,had iyo jeerna Waftiyadda Wasiirada ah ee Xukuumada Somaliland usoo dirto,   mararka qaar waa kuwo keena caqabada kacsanaanta xaalada la doonayo in la dejiyo taasna in dib looga fiirsado ay u baahantahey Sideedaba, waa haddii Maamulka Somaliland mid hore iyo ka hadda joogaba daacad laga yahey in Laascaanood-iyo Reer Sool lamid ahaadaan ulana sinaadaan Bulshada kale ee Magaalooyinka Somaliland. Tusaale ahaan wali lama arag ama majirto mar kaliya oo Shacbiga Laascaanood iyo Gobolka Sool, ama Carro dhulbahante, ay arkeen Masuulyiin katirsan Xukuumadda Somaliland oo fikir kaliya kuwada socda ama danta Guud ee shacbigooda ka mideysan, taas oo macnaheeda loo arki karo in mar kaliya dhabarka lawada taabtey, si aaney hoos ugu eegin arimaha Daruuriga u ah Bulshada ama aaney gacmaha isku qabsan in ay si mideysan u waajahaan sidii talaabo hore ah loogu gaadhsiin lahaa Shacbiga Laascaanood,iyo kuwa Gobolkaba Bulshada kale ee Somaliland, ee kunool Caasimada ay ka yimaadeen iyo Gobolada kale ee Dalka. Waxaan markhaati Loo dooneyn, in kala aragti Duwaanashahoodu uu mar walba sabab u yahey in Wafti kasta oo Wasiiradda Gobolka kasoo jeeda ama masuulyiinta kale sida Gudoomiyaha Baarlamaanku uu yahey kan caqabbada damqashada nabarka xun ee dusha laga dhayey iyo curfiga ugu Wacan Shacabkan, haddii aaney aheyn mid uu dan u arko Muuse Biixi Madaxweynaha Somaliland waa mid aan dabadeeda la qaban Karin haseyeeshee, ka hortageeda iyo daaweynteedu isaga u fududahey, waa haddii uu daacad ka yahey in Reer Laascaanod lamid noqdaan Gobolada iyo Degmooyinka kale ee Somaliland.

Haddaan la is carab tireyn, oo aan la iska dhego marineyn,xaqiiqda dhabta ah ee jirta, iyo sida ay ku kala duwan yihiin Wufuuda loo soo dirayo Gobolkan, annigu maan sheegin dhalinyaradda aan wali Shacbigu Reer Laascaanood iyo Gobolku miisaanka saarin ee Hargeysa ka soo raacey Lataliyaha laakiin Cabdiwaaxid wax baddan ayaa u qabsoomey mudada Ciidal-Fidrigi ku sineyd ee uu Gobolka soo gaadhey,in uu isagoo Wasiir Gobolka kasoo jeedda ah maanta kalidii socdo ayaa boqolkiiba boqol ka Wanaagsan in uu Baashe Ragg Wasiiro ah soo hor kaco, allaha ku asturo Madaxda Somalilandna ha garansiiyo.

Cabdiqani Ismaaciil Goox(Freelance)

Laascaanood Gobolka Sool

Tell:0634497424

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker