Muuse Wuu Ogyahee Shacabku Ma Ogyahey Sababta Dhabta ah Ee Loo Baabiiyey Wasaaraddii Kaluumeysiga

Xaqiiqdii Wey yaryihiin dadka Xog-ogaalka u ah in Doonistii Murashaxnimadda jagada Madaxweyne ee Muuse Biixi Cabdi aheyd, Sideen ku noqon karraa Madaxweynaha Somaliland taas oo uu shuruudo baddan ku galey hadii ay taasi u meel marto,in uu isaguna meelihii laga taageeray ee uu awoodooda cuskadey u fulin doono shuruudo badan oo ku aadan danahooda gaarka ah iyo istiraatijiyadaha ay Somaliland ka doonayaan wixii ay doontaba haku qaadatee,iyadoo ay kamid ahaayeen Awoodaha uu ku meel marey dhaqaale ahaan,iyo olole Siyaasadeed labadaba Dalka Jabuuti ee aynu Jaarka nahey.

Haddeynu usoo noqono ujeedada nuxurka Qoraalkeygan ee ku sahabsan Wasaaraddii Kaluumeysiga ee gabi ahaanba albaabada loo laabey oo Madaxweyne Biixi ku sheegay,in uu ku darey Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Waxeynu ognahey, in Wasaaradda Kaluumeysigu kamid aheyd Wasaaraddaha waxsoosaarka leh ee halbawlaha u ah dalka Somaliland islamarkaana, kamid aheyd Wasaaradaha Dakhligu kasoo xeroodo ee Maraakiibta Kaluumeysiga ee Carabta lagula macaamili jirey ilaa Xukuumaddii Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim, oo aheyd markii ay Somaliland nidaam hab Dawlladeed ah u jaan goysey Maraakiibtaasi Ka kaluumeysta Baddaha Somaliland,oo intooda baddani inakaka yimaadaan dhinaca Yamen oo ay gacanka uga soo gudbaan waxaaney kusoo beegmeysaa Xiligaa Xukuumaddii Marxuum Cigaal markii ay Dawllada Jabuuti oo si Xoog ah u maaganeyd,in ay aqoonsi la,aanta Somaliland Maraakiibtaa Badaha Somaliland ka Kaluumysanaya ay ku horjoogsato albaabka Jasiiradaha Ceebaad iyo Sacaada-diin iyo Waliba inta ka Sokeysa Baabu-Mandabka u dhexeeya Bari Canfar,Bari Carabeed iyo Bari Soomaali halkii waayadii hore loo yaqaaney amaba Eratariya,Jabuuti,Somaliland iyo Yemen haseyeeshee, waxa ay ka quusteen kadib markii Sharciyaddo nidaamka Dawlliga ah Waafaqsan u dhigey Wasaaradaasi sidoo kalena Maamulka Dawlladeed adkeeyay Wasaarad kasta iyo hawalaheeda,sidoo kalena Jabuuti Maamulkeeda iyo Xukuumaddaa Marxuum Cigaal Cilaaqaadkoodu aad u Xumaadey maadaama aaney iyaddu marnaba raali ka aheyn Hurumarka iyo jiritaanka gooni isutaageeda ee Qaranimo.

Waxa kale oo aynu ognahey in Geeridii Marxuum Cigaal kadib Madaxweyne Rayaale, dib usoo celiyay Cilaaqaadka Jabuuti islamarkaana, uu bilawgii u ogolaadey Mashruuca Ganacsi ee Madaxweyne Geele iyo Ganacsato Reer Jabuuti ahi Shuraako ku yihiin kaas,oo ahaa adeega SOMCAPLE laakiin, markii uu Qorshahaa Madaxweynihii hore ee Marxuum Cigaal ka dhaxley taladu Daahir Rayaale u meel mariyey Jabuuti kana horjoogsadey Ganacsato Reer Somaliland ah oo doonayey in Xadhigaa laga soo jiido dhinaca Berbera, Waxa mudo kadib ay Dawllada Jabuuti ka codsatey in uu ku Wareejiyo Jasiiradda Sacaada-Diin oo ay ka Sameeyaan Huteel Dalxiis haseyeeshee, Daahir Rayaale arintaa ganafka ayuu ku dhuftey isagoo u daneynayey Shacabka Somaliland ee ay Xorta u tahey ee ka kaluumeysta iyo istiraatijiyada ay Somaliland u leedahay,waana sababtii ay u taageereen Dawllada Jabuuti ololihii Kulmiye ee Madaxweyne Siilaanyo kula loomayey Daahir Rayaale iyo Xisbigiisii Udub sanadii 2010kii.

Gabagabadii Waxeynu ognahey bilaw ilaa dhamaad doorkii Jabuuti ku laheyd ololihii Muuse Biixi ee xataa Murashaxnimada jagada Madaxweyne ee Madaxweyne Geele,fariinta tooska ah ugu soo badheedhay Madaxweyne Siilaanyo isagoo u sheeganaya abaalkii Doorashadii hore taas,oo soo afjartey khilaafkii u dhexeeyay Madaxweynihii hore Axmed Siilaanyo iyo Muuse Biixi oo ahaa Gudoomiyaha Kulmiye maadaama Axmed Siilaanyo doonayey in Xisbiga Kulmiye six or ah loogu tartamo,uu fariintaa awgeed ku ogolaadey in Golihiisa Xukuumaddu Muuse Biixi ugu codeeyaan Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ugu tartamayo Doorashada Madaxtooyada.

Sikasta oo ay arimahaasi ahaayeen, waxa mudooyinkaa Xanta dadweynuhu u badneyd in Muuse Biixi Madaxweynaha Jabuuti lasoo galey heshiis ah in uu arimo badan u fulin doono haddii ay kala hawlgalaan Murashaxa jagada Madaxweyne oo sidaan hore usoo xusey maalmahaa ku aheyd qodob aan cidna dhuunta u mareyn isagana ku ah sideen ku noqon karraa Madaxweynaha Somaliland, marka xaqiiq laga hadlayana inkastoo aaney wali waxba ka dhadhaweyn shuruudaha uu u fulin doono mudada uu Madaxweynaha ka yahey, Somaliland Dawllada Jabuuti ee Shuraakada Ganacsatada iyo Xukuumada taas,oo ay qeyb ka tahey in uu albaabada u laabo Wasaaraddii Weyneyd ee Kaluumeysiga oo dhaqaale soo saari jirtey iyaddoo aaney suurtagal aheyn in caqliga saxda ah la raaciyo Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee ay hay,ado koobani inaga gacan siiyaan.

Najiib Ismaaciil Maxamed

Gabiley Somaliland

Tell:0634466339

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker