#LABA SAFAR SIYAASADEED OO SAAMAYN ISKU LEH HA AAMININ WALIGAA EMIRATE!

Waxaa maalintii ciidka ahayd safar ku tagey wadanka Ethiopia Sheik Mohamed Binu Zayed Amirka Emarate-ka Carabta si uu ula kulmo raysal wassaaraha Ethiopia Dr Abiy Ahmed.
Amiirka Waxa loo sameeyey soo dhawayn aad u saraysa oo ay goob joog ka ahaayeen 21 guuto oo ciidanka federalka Ethiopia ah si ay u siiyaan salaan sharafeed intaa ka dib waxaa la galay kulan dheer oo aad u xasaasiya oo lugu naaqishaayey arimaha gobalka.
Waxaad la wada socotaan in Emirate laga soo eryey Somalia- Muqdisho iyo Jabutiba arimo siyaasadeed awgood. Emarite-ku marna kama uu quusan Somalia wuxuuna bilaabay dagaal Dublamaasiyadeed si uu saamayn togan ugu yeesho marin biyoodka geeska Africa. Eryidda laga soo eryey Somalia iyo Jabuuti may ka joojin damaciisii ahaa mid dhaqaale iyo mid siyaasiyab. waxa uu intaas oo dhan ku fakeraayey in saamayntiisu ay wali ka sii muuqato marin biyoodka gobalka geeska Afrika halka ugu dhawina ay tahay in arimihiisa uu wato uu sii dhex marsado Ethiopia oo iyana saamayn ku leh Somaliya.Ayadoo aynu la wada socono in Ethiopia uu ka dhacay isbedel siyaasadeed oo uu qabsaday xukunka nin dhaliyaro ah oo ka soojeeda qoomiyada Oromiya oo ah qoomiyadda ugu tirada badan dalka Ethiopia isaga oo doonaya in uu samaeeyo hurumar dhinaca dhaqaalaha siyaasada etc. Horumarkaas oo ay ka kow tahay in uu sameeyo ciidamo bada ah oo xoogan markii uu Amiirka Emirateku intaa ogaaday waxa uu usoo kicitimay oo safar dheer u soo galay sidii uu ugu sheegi lahaa in uu Emariteku ka caawin doono Ethiopia maalgashiga dekadaha Somalia si uu isna ciidankiisa bada ugu helo meel ay saldhigyo ka dhigtaan. Amirku waxa uu u balan qaaday Dawlada Ethiopia in uu ku caawin doono 4 billions oo Dollar isla markaana waxa uu Amiirku raysal wasaaraaha Ethiopia kala hadlay in uu Somalia hashiis kula soo galo in dekedaheeda maalgashado ayadoo Emarite daaha dabadiisa ka maamulayo, taasi waxay keentay in maalintii ku xigtay ciida ee sabtidii uu u duulo R/W Ethiopia Muqdisho si uu madaxweynaha Somalia heshiiskaa uga soo saxeexo, hashiiskaas oo u muuqday mid u diyaarsanaa Ethiopia uu siina ogaa madaxweynaha Somaliya marka loo eego daqiiqadaha kooaban ee ay wada joogeen iyo baaxada qodobada hashiiska oo ka koobnaa 16 qodob unna baahnaa in la lafa guro gudiyo farsamanna iska arkaan oo labada dhinac ah ka hor inta aan la saxeexin.
Dr Abiy markii uu wadankiisa ku noqday waxa uu la hadlay warbaahinta dawlada waxaanu sheegay in uu doonaayo in Somalia iyo Ethiopia ay ahaadaan mustaqbalka dal qudha, waxaana u cuntami waayey in 100 million ay billa bad ahaadaan dhawr iyo toban million oo kaliya ahina ay haystaan in ka badan 3300 km oo bad ah.

Haddaba Soomaaliyeey maxay idin la tahay in mustaqbalkiinu noqondoono haddii uu fulo hashiiskaasi!
Ma idiin muuqataa in beesha caalamku ku taageerayo Ethiopia sidii ay u qabsan lahayd dhulka Soomaalida ee xeebta ugu dheer Afrika leh?

 

Qalinkii
Mubarak Abdi Mohamed
063-4469926

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker