Itoobiya & Somalia laba dal oo kala dan ah.

Somalida iyo itoobiyaanku waa dad iyo dalal deris ah, inkastoo labada shucuubood ay soo mareen colaado iyo dhibaatooyin laga dhaxlay gumaystihii Ingiriiska oo dab kagasii tegay sanadihii 1954 kii,markii uu Hawd iyo Reserve Area uu raacshay dhanka Itoobiya, hadana taasi labada shacab kamay hor istaagin inay xidhiidh yeeshaan iyo inay kala ganacsadaan, iyadoo sanadihii adkaa ee soomaalidu qaxa iyo burburka ku jirtay marinka iyo halka gargaarku usoo maraaba itoobiya ahayd ayaa hadana itoobiya danaheeda gaarka ah ka lahayd Soomaalidaa kala jeeda.

Itoobiya oo Muddo la daala-dhacaysay mashaakiil gudaheeda iyo dibadeeda ah oo ay ugu weynayd dagaalkii Eriteria ay ku qaaday ee xuduudka Badama oo khasaare nafeed iyo mid dhaqaalaba kasoo kala gaadheen labada dal,ayaa Imika ugacan banaanatay , inay saamaynta iyo gacan kuhaynta ugu weyn ayku yeelato wadamada geeska afrika.

Somalia waxay dan u aragtaa in itoobiya ay ka caawiso dhinaca amaanka iyo ka sifaynta Kooxaha xag-jirka ah ee ka dagaalama Koonfurta iyo badhtamaha Somalia

Halka itoobiyana ay doonayso inay dhaafsato qiimahaa mid u dhigma ama ka badan oo ku salaysan inay xeebahaa faraha badan ee soomaalida ka faaiidaysato isla markaana ay aad udhex gasho soomaalida xaga ganacsiga iyo xaga siyaasadaba ilaa heer uu raysal wasaaraha itoobiya ku tiraabay Midaynta labada dal, oo loo fasiran karo Qabsasho cusub (New Annexation ).                                                                                        

Ugu danbayntii, Lax waliba shilalka ay is dhigto ayaa lagu qalaa ayaa layidhiye, Soomaalida dhulkeeda in la hungureeyo iyadaa isugu wacan oo tobonaan sanno heshiin weyday oo nidaam iyo kala danbayn la fahmi karo soo ceshan weyday.

Ayaaan baa a imaan doonta
Dhulka ayro ku foofto 
Afrikaan mad madaw iyo 
Ajanibbaa dagi doona 
Iyagaa talin doona.

 

(Abwaan Gaariye alle haw naxariistee)

Farhan Mohamed Abokor

Political & Economic analyst

 

                                                                                

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker