Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Oo Ciidamada Itoobiya Ku Eedeeyey Falal Argagixiso

Ra’iisul wasaaraha Ethiopia, Abiy Axmed Cali ayaa hay’adaha amniga dalkiisa ku eedeeyay in ay shacabka kula kacaan falal argagixiso oo ka dhan ah banii’adanimada iyo xuquuqda dadweynaha.

Mudane Abiy ayaa sheegay in laamaha amnniga dalka Ethiopia ay si baahsan u dhibaateeyaan dadka ay ku tuhmaan mucaaradnimada, islamarkaana ay isugu daraan jirdil iyo xabsi aan loo meel dayin.

 

Hadalkaan ayaa jawaab u ahaa su’aalo ay Baarlamanku ka weydiiyeen, dad la sheegay in ay argagixiso ku eedaysnaayeen oo uu ra’iisul wasaaruhu xabsiga ka siidaayey.

 

Kumannaan ruux oo ay ka mid yihiin dad siyaasad u xirnaa ayaa la sii daayay,bishaan horraanteediina, waxaana shaqada laga eryay taliyaashii ciidamada militariga iyo sirdoonka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker