“Maamulkii Hawada iyo Hawshii Diyaaradaha oo Dhan, Waxa Aanu Maanta(Shalay) Ku Wareejinay Muqdisho, Shaqaddii Aanu Haynayna Sidaas Baanu Ku Wareejinay Gebi Ahaanteed Ba.”.

Nayroobi(Waaberi):-Maamulkii hawada ee Somaliland iyo Somaliya oo hore muddo 26-sannadood ah laga maamuli jiray magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, ayaa shalay si rasmi ah Maamulkii Hawada loogu soo wareejiyey Magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya.

Sida uu xaqiijiyey sarkaal sare oo u hadlay xafiiskii Neyroobi ee hore looga maamuli jiray Hawada Somaliland iyo Somaliya, waxa uu sheegay in gebi ahaan ba ay hawlahii shaqo ee halkaas ay ka hayeen loo wareejiyey dalka Somaliya, waxaana uu carabka ku dhuftay in laga bilaabo xalay Sideedii habeenimo hawada Somaliya laga maamulaayey magaalada Muqdisho isaga oo sida oo kale na tilmaamay in gebi ahaan ba Raadaaladdii lagu hagaayey hawada la geeyey magaalada Muqdisho.

“Waxa aanu qabanay runtii in Trafic-gii aanu halkan ka hoggaamineynay oo aanu halkan hawsha ka wadnay illaa 26-sannadood in maanta loo wareejiyey Muqdisho oo hada dhammaan taleefanada iyo Raadiyaha Diyaaraha waxa laga la hadlayaa Muqdisho, anagu imika halkan keliya waxa aanu u joognaa waa kormeerid(Monitoring), markaa caawa(Xalay) laga bilaabo Sideed Saac iyagaa sidaas kula wareegay shaqaddii, imika halkan baanu ka maqleynaa oo waxa ay la hadlayaan diyaaradaha, shaqaddii na waxa ay u socotaa si fiican oo ah siddii loogu talo-galay. Raadiyaha ay kala hadlayaana waa laba mid la yidhaa Reedhyoow-ga dheer oo Rajafka la yidhaa iyo midka Mawjadda gaaban. Taleefanada waa ay la wareegeen oo hada si toos ah waxa looga xukumayaa Muqdisho anagu na halkan waxa aanu u joognaa waa Monitoring, Soddonka bisha ayaana aanu ku qoranahay xaggaas oo aanu u wareegayno, Nayroobi oo intaas sannadood aanu ka soo shaqeynayna waxa aanu lee nahay nabadeey. Shaqaalahii dhammaan Muqdisho ayaa hada loo wada wareejiyey oo imika halkan waxa aanu ku joognaa oo keliya wax yar, anagu na waanu tegaynaa dhawaan isha Allah.”. Ayuu yidhi Sarkaalkan oo magaciisa la yidhaa Guutaale.

Md.Guutaale, waxa kale oo uu sheegay in maamulkii hawada iyo hawlahi diyaaradaha ba ay gebi ahaan ba si toos ah uga socdaan magaalada Muqdisho, waxaana uu yidhi:- “Maamulkii hawada iyo hawshi diyaaraha oo dhan ba, waxa aanu maanta ku wareejinay Muqdisho, shaqaddii aanu haynayna sidas baanu ku wareejinay gebi ahaanteed ba.”.

Dhinaca kale, Xukuumadda Somaliland, ayaa hore dhowr jeer ugu cel-celisay in hawada Somaliland iyo Somaliya aan laga maamuli karin magaalada Muqdisho, lama na garan karo tallaabada ay qaadi doonto Xukuumadda Somaliland.

Hay’adda ICAO ee Qaramada Midoobay u qaabilsan duulimaadyada rayidka ah ayaa hawada Somaliland iyo Somalia maamulaysay tan iyo markii ay dhacday xukumaddii ka dhexaysay Somaliland iyo Somalia.

Xigasho Wargeyska Waaberi

Xafiiska Dawladda Itoobiya ee Somaliland oo Fududeeyey Habka Bixinta Fiisaha ee Dalkaasi Iyo Xidhiidhka Saaxiibtinimo ee 2 Dal oo Sii Xoogeysanaya

Hargeysa(Waaberi):-Xafiiska dawladda Itoobiya ay ku leedahay Somaliland, ayaa muddooyinkii u dambeeyey wax-ka-bedal ku sameeyey habka bixinta Fiisaha ee dalkaasi, ka dib wada-hadal dhex-maray madaxda dawladaha Somaliland iyo Itoobiya.

Sida ay Wargeyska Waaberi u xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, Xafiiska Itoobiya ee Somaliland waxa uu fududeeyey habka bixinta Fiisaha oo markii hore dadka shicibka ah ee xaaladaha caafimaad ku tegaya dalkaasi ku qaadan jirtay muddo bil ah, waxaana hada bixinta Fiisaha dalkaasi ay shacabka Somaliland ku helaan muddo hal maalin ah.

Wararku waxa ay sheegayaan in arrintani ay ka dhalatay ka dib markii wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, ay dawladda Itoobiya ka codsatay in shacabka Somaliland loo fududeeyo habka bixinta Fiisaha sida oo kalena looggu soo magacaabo sarkaal dhinaca Socdaalada ah(Immigration Officer), waxaana isla markii ba ay dawladda Itoobiya aqbashay codsigaas iyada oo tix-gelinaysa xidhiidhka saaxiibtinimo ee ay la leedahay Somaliland isla mar ahaantaana waxa ay xafiiskooda u soo magacaabeen Sarkaal sare oo aqoon durugsan u leh Nidaamka Socdaalada.

Waxa kale oo wararku ay intaas ku darayaan in arrinta dekadda Berbera ee Itoobiya qeybta ka tahay ay iyadu na sabab u noqotay in si dhakhso ah loo dedajiyo loona fududeeyo habka bixinta Fiisaha ee dalkaasi.

Arrintan, ayaa noqoneysa mid muujinaysa xidhiidhka sii xoogeysanaaya ee u dhaxeeya dawladaha Somaliland iyo Itoobiya, waxaana si weyn u soo dhaweeyey shacabka Somaliland ee danaha kala duwan u tegi jiray dalka Itoobiya oo si fudud u hela Fiisaha dalkaasi.

Xigasho Wargeyska Waaberi

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker