Hawada Dalka Soomaaliya Ee Nairobi Oo Maanta La Xidhay Iyo Muqdisho oo Laga Maamuli Doono Hawada Dalka

Xafiiska Hay’adda ICAO ee Qaramada Midoobay oo hawada Soomaliya ugaga maamuleysay magaalada Nairobi ayaa maanta soo gebo-gabeysay maamulka hawada.

Magaalada Nairobi ayaa tan iyo burburkii dowladii hore ee Soomaaliya waxaa laga maamulayay hawada Soomaaliya iyadoo lacago faro badan laga qaadayay diyaaradaha mara hawada Soomaaliya.

 

Dowlada Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa waxaa ay hore u kala saxiixdeen heshiis lagu soo rarayo xafiiska Nairobi oo Muqdisho la keenayo.

Dhamaadkii sanadkii hore ayay dowlada Soomaaliya ku dhowaaqday inay si rasmi ah ula soo wareegtay hawada Soomaaliya.

Xaruunta maamulka iyo saadaasha hawada Soomaaliya ayaa hadda kadib saldhigiisu noqon doonaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker