Farmaajo: Somalia waa kililka 6aad Itoobiya by Amir Bidde

Itoobiya in badan bay ku taamaysay inay Somalia qabsato. Tan iyo waqtigii Menilik (qarni iyo badh ka hor). Khariidadaha Itoobiya waxa ka muuqda inay Somalia qayb ka tahay Itoobiya. Waxay madaxda Itoobiya si aan gabbasho lahayn u qeexi jireen in dadka Soomaaliyeed ka mid yihiin dadka Itoobiya hase yeeshee xagjirnimo diineed iyo dalalka Carabtu gooni u saareen. Ninkasta oo Itoobiya taladeeda qabtaana ay qorshihiisa ku jirtay sidii uu fallaagada u soo xero gelin lahaa. (Waxaan arkay maabab (maps) ay Itoobiya ku muujiso khariidadeeda waddan oo Somalia oo dhani ku jirto. Waa maabab 1960’s iyo ka hor la sameeyey). Maanta ka horse uma suuro gelin. Raiisal wasaaraha Itoobiya wuxuu sheegay inay Farmaajo isku afgarteen in Somalia noqoto kililka 6aad ee Itoobiya. Farmaajana ku qancay inuu la darajo noqdo Cabdi Ilay. Maxaa Farmaajo iyo siyaasiinta Somalia heerkaa gaadhsiiyey?
Waa is nacayb Somali dhexdeeda taala. Waa nacaybka uu u qabo Somaliland oo is yidhi waa ta kaliya ee aad Somaliland kaga aargoosan karto. Maadaama uuna isagu cudud milateri lahayn.
Farmaajo waxa heerkaa gaadhsiiyey, inuu dalkiisa ku wareejo Itoobiya, ka xumaansho uu ka xunyahay maalgashiga Berbera iyo xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland.
Waxayse u eeg tahay, iyaba waa nabsiye, inay Somaliland noqonayso dhulka kaliya ee Somaliyeed ee xor ah. Sida magacuba tilmaamayo ay SL noqonayso dhulka kaliya ee Somali si madaxbannaan u leedahay. Illeen Jibuuti Canfar baa Somali la lehe. Somaliyana waa tan dooratay inay hoos tagto Itoobiya.
Allow dhowr Somaliland, dadkeeda ayaa daacad ehe!
A. Amir Bidde Nuur
ayanle_60@hotmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker