Arrimaha waaweyn iyo aayaha ummadda yaa ka hadli kara?

Si aynu mawduuc uga hadalno oo aynu uga gaarno go’aan sax ah ama uga yeelano mawqif munaasib ah maxaynu u baahanahay?.

Ugu horrayn waa in aynu arrinta si mawduuci ah oo daacad ah uga hadalno ee aynaan ku eegin jacaylka iyo nacaybka cidda arrinta ku lug leh. Haddii qofka mawduuca ka hadlaya uu ka ambaqaado jacaylka ama nacaybka uu u hayo qofka mawduuca xiriirka la leh dareenkiisa iyo rabitaankiisa ayaa ka xoog badanaya caqligii uu wax ku qiimeyn lahaa.

Tan labaad qofku waa inuu aqoon iyo khibrad u leeyahay mawduuca uu ka hadlayo ee aan darawalku dhakhtarnimo ka hadlin, geeljiruhuna kalluun ka hadlin.

Tan seddexaad waa inuu xog-ogaal u yahay waaqica dhabta ah ee mawduuca laga hadlayo iyo waxyaabaha ku xeeran ama xiriirka la leh. Haddii qofku galo Xaajo aanu xog-ogaal u ahayn waa hubaal inuu indhaha ka ridayo.

Waxaa intaa lugu dari karaa in arrinta aad looga baaraandago, dadka  mudana laga talo weydiiyo gaar ahaan haddii mawduucu taabanayo aayaha iyo danaha isturaatiijiga ah ee ummadda. Sax maaha in isku si loola dhaqmo meherad aad badeeco ka iibsanaysid ama farsamo yaqaan qalab kaa xumaaday kuu hagaajinaya iyo qaadashada go’aano saamaynaya nolosha shacabka iyo aayaha ubadkooda.

Gabagabadii hadalkaan macnihiisu maaha in aan dadka kale wax fahmi karin ama aanay talo bixin karin ee waxaynu uga jeednaa marka arrimo waaweyn lugu tillaabsanayo dad mudan haka arrimiyeen, dadka faalaynaya oo saxayana ha noqdeen dad mudan ee yaanay noqon dad rabitaankooda iyo diidadooda wax ku salaynaya ama waxa laga hadlayaba moog ama aan xog dhab ah ka hayn aqoon iyo khibradba ha lahaadee iyo ugu dambayn yaan lala boodine haloo miyiriyo oo xaajada ehelkeeda halaga talo weydiiyo.

 

Sh. Axmed Cabdisamad

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker