Tallaabooyinka Raysal-wasaare Dr. Abbiy Ahmed Ali Waa Qaar Ka Mid Ah . “Taxanaha Geeska Cusub” Q:3aad:- Qalinka. C.S.F. (Jeesto).

Mudooyinka danbe waxaan waday  qormooyin  ku  tacaluqa  Geeska Afrikada Cusub ee dhawaan   la  filayo mustaqbalka dhaw. Marka  loo  eegayo dhinacyada Siyaasada, Cimilada, Dibloomaasiyada, DHaqaalaha iyo Ganacsiga iyo waliba Is-dhex-galka Bulshooyinka, Ifafaalooyinka muuqda hadda waxa soo if-baxaya jaanisyada Is-baddalada ee ku imanaya mandaqadan Geeska afrika taasi  oo ay hoggaanka u qabaneyso Wadanka Faca-weyn ee Itoobiya Sidaan ku soo xusey labadii qormo ee ka horeeyey Qormadani.

Bud-dhiga  salka  u  ah  Siyaasada  Geeska  cusub  waxa  hagaya  ama  hormood  ka noqonaya Wadanka  Itoobiya  oo  ah  mid  qadiimiya  isla  markaana  soo  jireen  ah, Aregtidiisuna  ay  fog  tahay  qorshihiisuna  cad  yahay  kuna  jihaysan  sidii  uu mandaqada  uu  ugu  jeexi  lahaa  jiho  ama  jawi  cusub  oo  la  galiyo  Geeska-afrika, Itoobiya  marka  cilmi  ahaan  loo  baadhey  Waxay  noqotey  wadankii  aduunka  ugu da,da  weynaa. Waxana  lagu  xaqiijiyey (DNAdii  ugu weynayd  dunida , Baadhis  danbe kadib  waxa  la  helay  in ay  wax  kasta  oo  jira  oogada  caalamka  ay  yadu  u  da,a weyn  tahay ).

Waa  ta  keentay  Amin-xaadirtan  iney  Itoobiya  la  timaado  Siyaasad  Fur furan oo balaadhan  darmadeeduna  ay  gaadhsiisan  tahay  Geeska-afrika  dhamaantii,  Imikana waxa  yada  lafteeda  ku  dhacay  is-baddel  Siyaasadeed  oo  uu  hogaaminayo hogaamiye  dhalin-yaro  ah  Aqoontiisuna  isugu  jirto  (Leadership,  Milatery  Expert, And  Security  Technition), Waana  ta  keentay  in  hogaamiyahani  waxyaabo  badan  ka baddalo  Siyaasada  mandaqada  isagoo  ka  duulaya  Doorerka  ganacsi,  siyaasadeed, dibloomaasiyadeed  iyo  waliba  is-kaashi  quwadnimo  ama  gobal  ahaanba.

Dalka  itoobiya  waxa  uu  ku  dadaalayaa  inuu  saamayntiisa  quwad  ahaaneed  ku yeesho  mandaqada,  Si  uu  u  hanto  yoolkiisaa  siyaasadeed  waxa  uu  u  baahan yahay  inuu  dhamaan  geeska  isu  soo  dhaweeyo  wixii  khilaafana  meesha  laga saaro,  Haday  Itoobiya  cid  kala  saaxiibayso  xidhiidhka badaha  ama  marinada biyaha  kaliyaata  kuma eeka  wadan  Qudha  Sida  Somaliland  oo  kale,  Balse  waxay la  xidhanaysaa  heshiis  siyaasadeed  iyo  mid  ganacsiba  ay  la  yeelanaysaa  wadan kasta  oo  mandaqada  ku  yaala  Sida  Wadamada  kala  ah.

A:Kenya.

B: Ereteria.

C:Somalia.

D:Somaliland.

E:Djabouti.

F:Uganda.

H: Tanzania.  

Arinka  Somaliland  iyo  Dekadeeduba  waxa  ay  ka  mid  yihiin  kuwaa  ay  Itoobiya  la shaqaysanayso  isla  markaana  ay  la  samaysanayso  ganacsiga  iyo  wadaagitaanka shaqada  Marsooyinka,  Waana  istaraatajiyada  ugu  muhiimsan  ee  ay  ku  hana-qaadeyso  siyaasadan  aan  falan-qaynayaa  ee  la  magac-baxdey  Geeska  Cusub, Dhinaca  mandaqadana  waxa  si  weyn  isu  baddalaya  xidhiidhka  dibloomaasiyada oo  imika  aad  yara  moodo  inuu  waxoogaa  yaroo  hadhi  ahi  saaran  yahay,  Marka loo  eegayo  gobalada  kale  ee  qaraadan  afrika  iyo  qaaradaha  kale  caalamka.

Hadii  uu  Raysal-wasaaraha itoobiya tago   Soomaaliya  ma, aha  talaabadaasi  mid wax  u  dhimaysa,   xidhiidhka  soo  jireenka  ahaa  ee  Itoobiya  Iyo  Somaliland   ka xedheeyey  waxaaney  Somaliland  ka  mid  tahay  wadamada  mandaqada  ee  ay Itoobiya  dan  ahaan  danayneyso,  Waa  mala-awaal  waxyaabaha  aan  ku  arkayey baraha  Social  Mediayaha  ee  umada  afka  Soomaaliga  ku  hadashaa  ay  ku  falan-qaynayeen Amuuraha  ka  dhaxeeya  dawlada  Federaalka  Soomaaliya ee  Farmaajo hogaamiyo  Iyo  Somaliland  Iyo  Waliba  Itoobiya,  Sawirada  laga  aaminayna  waa qaar  been  ah.

Raysal-wasaaraha  IItoobiya  waxa  uu  wadaa  dadaalo  laga  filayo  Mustaqbalka dhaw   Is-baddal  hor  leh  inay  sameeyaan,  Lana  tuhunsan  yahay   in  Geeska-afrika si  wacana  ula  jaan-qaadi  doono  dunida  inteeda  kale  maadaama  maanta  loo  tiriyo iney  ka  hadhsan  tahay,  Xaga  Siyaasada,  DHaqan-dhaqaalaha,  Dibloomaasiyada  iyo Horumarka  Xidhiidhka  Iskaashiga  Heer  Gobal  Ahaaneed  ama  Mandaqad  Ahaaneed, Sida  saadaashu  ku  dhawdahayna  waa  rajo  lagu  kalsoon  yahay  inay  bal  inuun  ay dunida  nooceeda  ay  noqoto  kana  baxdo  Qodobada  biyo  dhigey  Sida  Musuq-maasuqa.

Siyaasada  aregtida  fog  ku  dhisan  ee  Itoobiya  waxba  kamay  baddalin  hadii  yada hogaankeedu  is-baddelay  Dhinaca  Somaliland  Saaxiibtinimadeedii  iyo  xidhiidhkii dibloomaasiyadeed  ee  ay  lahaayeen,  Haday  noqoto  qodabka  maxaa uu  Raysal-wasaaruhu  Somaliland  u  iman  waayey  Horta  Somaliland  ma  la  aqoonsan  yahay  si caalami  ah  taasaa  Su,aal  ah,  Waa  maya  oo  waata  raadinaysa   Aqoonsiga  sidaa darteed  Heshiis  way  wada  gali  karaan  laakiin   Hogaamiye  Caalami  ah  kama  soo dagi  karo  Gageda  dayuuraduhu  ka  haadaan  ee  Igal  Internation  Air-port,  waayo waa  aqoonsi  la,aanta   balse  dalkiisa  way  kula  kulmi  kartaa  Somaliland.

Waxba  yaan  laga  didin  dadaalada  is-daba-taxan  ee  doorka  ah  Itoobiyana  ay  ka wado  mandaqada  iyo  gobalkan  geeska-afrika  waayo  waa  abuuritaanka  danaha dalkaasi,  Cid  kastana  waa  la  saaxiib  oo  ay  dan  u  aragto  ama  la  wadaagaysa Siyaasad  samida  ay  hada  fidinayso,  Somalilandna  wax  ka  dhimi  mayso  hadii Soomaaliya  lala  kulmo  waayo  Sidaan  u  kala  duwan  nahay  ayey  danaheenu  u  kala duwan  yihiin,  Sidaa  darteed  mar  kasta  waa  lama  huraan  waxa  ay  Somaliland  la gashey  Itoobiya.

Talaabooyinka  barnaamijaysan   ee  uu  wado  Raysal-wasaare  Dr.Abbiy  Ahmed  Ali waxay  hor-dhac  ama  curasho  u  yihiin  Geeska-afrikaha  cusub  ee  jidka  ku  soo  jira, Lana  jaan-goynayo  sida  ama  qaabka  uu  midho-dhalkiisu  u  qabsoomayo,  Amuurtan saadaasheedu  wacan  tahay  ayaa  lagu  diirsan  doonaa  marka  ay  hir-gasho  isku  soo wada  dabaaloo  hab-sami  u  talaabsiga  iyo  fur-furnaanta  Raysal-wasaaraha  cusubi tani  ayey  daaran  tahay,  Cidna  duulaan  kuma  aha  ,  Cidna  lama  dulaynayo  balse gobalkan  ayaa  indhaha  loo  furayaa waa  Geeska-afrika,e.

Sidoo  kale  waxay  ka  mid  tahay  talooyinka   ay  Itoobiya   ka  dhex  qaadatey  Urur-goboleedka  Geeska-afrika  ee  IGAD,  Oo  in  badan  ku  baaqay  shirer  iyo  talooyin kala  gadisana  ka soo    in  Gobalka  Geeska-afrika  Iskaashi  ku  bahoobo  si  uu  geesku uu  dunida  u  hogaamiyo  maxaa  wacey  mandaqadani  waxay ilaa  maanta  hodan  ku tahay  (Raw  Materialska  ama  Sources Of  Energyga  ),  Sidaa  awgeed  waa  ku  waajib iney  qorshe  u  yeelataa  Dunida  oo  dhamina  yada ayey indhaha  ku  haysaa.

Qalinka: C/raxmaan   Sayid  Faarax  (Jeesto).

 

Diplomatic  Annalism.

 

Gabiley/Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker