SOMALILAND IYO JEEGAANTA AY SHEEGAYAAN PUNTLAND IYO SOMALIA KEEBAA DAGAALADU KU SOCDAAN.

SOMALILAND waa la wada garanayaa waa dalkii xornimadiisa ka qaatay Ingiriiska 26 June 1960 ee ay isku darsadeen Somalia 1dii July 1960 markay xornimada iyana ka qaateen Talyaaniga. Intaa horta xaqiiqada ah waa in qof waloo kasta oo Somali ahi sida kaabsalka (capsul) u liqaa laabtana u sii daayaa. Intaa ka dib COLLAADDII iyo dagaaladii iyo shacabka reer SOMALILAND wax garadkoodii waxay garteen 1991kii in dhibaato laxaad lihi ku soo fooleedahay wadankii la isku odhan jiray SOMALI REPUBLIC oo si Somali dhiigooda loo kala badbaadiyo in labadii wadan kala noqdaan oo ay Somaliland goaansatay inay isku darkii lixdankii ka baxdo. Wuxuu goaankaasi ahaa goaan maskax caafimaad qabta ka soo baxay oo (fruits) kii siina weli waa la gurtaa oo ah nabadda iyo horuumar ka shacab ee ka jira Somaliland.

Haddaba waxaa 2010kii markii xisbiga KULMIYE ee SIILAANYO hogaaminayey dhashay (baby) gan yar ee SUUL-CAWRO SIILAANYO dhalay oo waxan JEEGAANTA LA YIDHAA.  Saaka oo aan fadhiya maqaaxida xero hadhuudha Hargeysa agteeda ah waxay JEEGAANTU wadankii dhaxalsiisay in hantidii guud la boobo, in Dekedii Berbera la xaraasho oo lacagtii wadanka ay Dubai toos ugu dhacdo, in Haamihii shidaalka qawlaysato qaadato, in shaqo la, aan baahsani sii korodho in Sicir barar kii lala tacaali kari waayo.
Maanta waxay gaadhay in dagaalo qabaail oo siyaasadaysani wadanka gudihiisii ka laba qarxaan waa dagaalka dami waayey ee CEEL-AFWEYN. Waa dagaalka bilawga ah ee TUKA-RAQ ka aloosan. Maanta waxaa muuqata in magacii iyo gooni isu taaggii Somaliland uu daciifay oo ay reer Somalia iyo reer Puntland ay leeyihiin waxaan la dagaalamaynaa JEEGAANTA. Arintaa Jeegaanta ah ee ah baby ga uu SIILAANYO dhalay oo SUUL-CAWRO AH Waxay ummaddii reer Somaliland gelisay (confuse) “shacabka reer Somaliland ku Majaro habaabeen. Madaxdii geeska Afrika afkoodii waxaa ka soo baxaya magacan Jeegaanta la leeyahay oo bedelaya kii Somaliland dhibaatadaa uu SIILAANYO ku dhalay wadankii waxay ka hortimi geeddi Socodkii reer Somaliland iyo Ictiraafkii reer Somaliland ku naaloon jireen. Shalay madaxweynihii Ethiopia iyo madaxweynihii Somalia waxay ka wada hadleen midnimada Somalia oo ay isla qaateen, Carabtii oo dhan hadday imaardka iyo xulafaday ku jirto iyo Qadar iyo Xulufadeeda iyo Ethiopia ba waxay wada caddeeyeen midnimada Somalia weyna ka soo horjeesteen Siyaasad xumada nidaamka Jeegaanta ee SIILAANYO ku dhacay maalkii Dawladdii Somaliland la odhan jiray. Markaa imika dagaalku ma Jeegaantuu ku socdaa mise wuxuu ku socdaa Somaliland.
Anigu waxaan arkaa in Jeegaanimadu ay gawracayso wixii Somaliland la odhan jiray maanta cidla ayeynu taaganahay oo maamul xumadii Xukuumaddii uu Madaxweyne SIILAANYO ka xanuunsaday iyo doorashadii qori isu dhiibka ahayd ee dunidoo dhami wada arkaysay cidla ay dhigtay Somaliland nimadii ay soo dhiseen Madaxweyne Cabdiraxman TUUR iyo Madaxweyne Cigaal iyo Madaxweyne Riyaale. Maanta xaggaynu joogna waa wadan dhinackasta ka madhan lacagtiisiina Dubai lagu qaato askartii na jiidda hore gaajo u fadhiyaan. Suaashu waa Somaliland xaggaynu u soconaa hoggaankii wuu inaga qaloocaa Puntland baa inoo hanjabaysa maanta waa MORAL jab weyn.
MBashe (Meerkat)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker