Musharax Geele Cumar Coofle Oo Ku Dhawaaqay Inuu U Taagan Yahay Doorashada Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa

Hargeysa(OWN)-Garyaqaan Cabdifataax Cumar Coofle(Geele) oo kamida Aqoonyahanka da’da yar ee reer Hargeysa ayaa ku dhawaaqay inuu u taagan yahay Doorashada Golaha Deegaanka ee dhawaanya la filaayo inay dalka ka qabsoonto.

 

Musharax Garyaqaan Cabdifataax Cumar Coofle(Geele) ayaa waxa uu sidoo kale kamida yahay dhalinyarada fara ku-tiriska ah ee Alle hibada u siiyey karaamada iyo sharafta hogaamiyenimada ah ee loo dhasho isla markaana kamida hantida gaarka ah ee Caasimada Hargeysa ka sugayso inay hiil uga noqdaan heeryada maamul-xumo iyo musuq-maasuqa bariinsaday ee uu baday Maamulka hada ka jira iyo kuwii uga horeeyeyba.

Musharax Garyaqaan Geele Cumar Coofle oo mudo dheer kusoo jiray saaxada siyaasada isla markaasina hore ugu tartamay Doorashada Golaha Deegaanka sanadkii 2012 kii isagoo ka sharaxnaa Ururkii Xaqsoor ee codadkiisa la boobay, Taasi oo Musharax Geele kamid ahaa Musharixiintii Ururkaaa Xaqsoor uga sharaxnaa Caasimada Hargeysa ee waraaqihii loogu codeeyey laga helay iyadoo lagu daadiyey Dooxa Weyn ee magaalada Hargeysa

Musharax Garyaqaan Geele Cumar Coofle ayaa mar labaad maanta kaga dhawaaqay magaalada Hargeysa inuu u taagan tahay Doorashada Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa isagoo isla markaasina bulshada Caasimasa Hargeysa ka codsaday inay codkooda ugu hiiliyaan isla markaasina dhankiisa uu balanqaadaayo inuu doorkiisa kasoo bixidoono waajibaadkiisa

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker