Ha baqinina balo aan innaga ahayn ma jidhee

Markii lugu dhawaaqay heshiiskii dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa cabsi iyo qaylodhaan la isla dhexmaray: la ina qabsay iyo la ina qaaday iwm.

Mushkilada lala qaylinayo ma heshiiskaa mise wax kale ayaa jira?. Dhab ahaan dunida waa la galaa heshiisyo nooc walba leh: dhaqaale, siyaasad, millatari iwm oo innaga inagu gaar maaha ee waxay ila tahay waxa ina ka cabaadinaya waxaa weeye labo arrimood:

1. dadka ina maamulaya oo aan lugu kalsoonayn xagga daacadnimada iyo xagga aqoonta ama khibrada oo la isleeyahay kii khaa’in ah shilimaan buu dalka siisanayaa, kii daacad ahna aqoon darro ama khibrad la’aan baa wax walba looga saxiixan.

2. Xog-ogaalnimada xaaladda dadka iyo dalku ku sugan yihiin oo la wada ogyahay in aanu jirin dhaqan dowladnimo iyo dhaqan ummadnimo midna ee loo fakarayo, loona dhaqmayo qabiilooyin, gobolo, kooxo iyo qofqof afkooda kaliya u nool. Taas oo la isleeyahay ciddii sharciyad loo siiyo inay dalka soo dhexgasho say doonto ayay ka yeelaysaa.

Haddaba labada arrimoodba waa wax innaga inagu xiran oo xalkeedu gacanta inoo ku jiro ee intaynu cabaadayno maynu meelaha bannaan ee la inoo ka imaan karo iska buuxino?.

Maynu heshiino oo ka baxno qabyaalada, gobolaysiga, kooxaysiga iyo danaysiga?.

Mayno walaalowno, isjeclaano oo midowno; si aynu awood u yeelano oo khataraha uga hortagno?.

Maynu shaqo walba u xulano cid daacad ah oo u leh aqoon, khibrad iyo karti?.

Maynu wax qabsano oo danteena iyo horumarkeena ku mashquulno inta aynu innagu isku mashquulsanahay?.

Dawlado inaka dad iyo dal yar baa heshiisyadaan iyo kuwo ka ballaaran lala galaa, lamana qabsado ee waa la kala faa’iidaystaa ee waxaynu la cabaadayno waa iin gaara oo aynu leenahay,  waana la daaweyn karaa ee aynu isku dayno.

Gabagabadii haddaynu u fakarno,una dhaqano ummadnimo iyo dowladnimo balaayo ina heli mayso, hadday inoo timaadana waynu la tacaalaynaa laakiin haddaynu sidaan ahaano hilib bisil oo bannaan yaal dugaag iska daaye shimbiraha iyo cayayaanka ayaa ka dhargaya, cabaad iyo qaylodhaana loogama celin karo.

 

 

Sh. Axmed Cabdisamad

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker