Wasaaradda Degaanka oo Xidhay Dad oo Gooyay Geed ku Yaallay Faras Magaalada Hargaysa

Wasaaradda ilaalinta degaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland ayaa shalay saldhiga dhexe ku xidhay shan qof oo lagu eedeeyay in ay si sharci darro ah u jareen Geed weyn oo ku yaalay dhisme dabaq ah ka soo hor jeedka garoonka kubbadda Kollayga ee Tima-cade ee magaaladda Hargaysa.

Shantan nin ee loo xidhay in ay geedkaasi jareen ayaa kala ahaa 4 nin oo iyagu geedka gooyay iyo nin derawal ka ahaa gaadhi la doonayay in lagu qaado marka geedka goyntiisa la dhamaystiro.

Geedkan loo xidhay shanta nin oo ahaa nooca loo yaqaano Qudhaca, ayaa habeen hore saqdii dhexe ay jareen afar nin, kadibna markii la damcay in la rarro subaxnimadii shalay ayaa dad shacab ahaa oo joogay agagaarka meesha geedka laga gooyay waxay la xidhiidheen wasaaradda ilaalinta degaanka.

Waxaana isla markiiba goobtaasi si dhakhso ah u soo gaadhay wasiirka degaanka iyo horumarinta reer miyiga Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo ay wehelinayeen saraakiil wasaaradaasi ka tirsan iyo koox ciidamo boolis ah.

Waxaanay wasiirku amar ku bixisay in la xidho afarta nin ee jaray geedka, derawalkii waday gaadhiga lagu raray iyo gaadhigiisaba, iyadoo isla markiiba si toos ah saldhiga dhexe ee Hargaysa loogu xidhay shantaasi nin.

Geesta kale geedkan Qudhaca ah ee jaristiisa loo xidhay shanta qof ayaa ku hor yaallay dhisme fooq ah oo laga dhisayo ka soo hor jeedka dhinaca bari ee garoonka kubbadda kollay Tima-cadde, kaasoo sababta jaristiisa ay mulkiileyaasha guriga uu ku hor yaalay u cuskadeen in uu ka qabsaday wajahadda.

Balse waxay talaabadan jarista geedkaasi ku dhaqaaqeen iyagoon wax fasax ama ogolaanshiyo ah ka soo qaadan wasaaradda ilaalinta degaanka, taasoo ka hor imanaysa xeerka ilaalinta degaanka oo ay goleyaasha sharci dejintu ansixiyeen madaxweynuhuna saxeexay.

Waxaana la filayaa in sharciga la hor gayn doono shanta nin ee ku eedaysan in ay geedkaasi si sharci darro ah u jareen iyo mulkiilaha dhismaha uu ku hor yaalayba.

Dhinaca kale wasiirka wasaaradda horumarinta degaanka Shukri Baandare, ayaa uga mahad celisay dadkii ku soo wargeliyay in geedka la jaray, waxaanay tilmaantay in qof kastoo muwaadin ah iyo xukuumaddaba uu xil ka saaran yahay ilaalinta degaanka.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker