YAA GARANAYA SABABTA SOMALIAND OO XADKEEDII KU JIRTA LOOGU HANJABAYO OO PUNTLAND TII YARAYD AY GARDIIDKA U TAHAY.

Arinkan waan ku celcelinayaa in dagaalka TUKA-RAQ uu gunta ku hayo isku darkii labada dal ee ah Somaliland iyo Somalia iyo ka noqoshadii Somali Republic 1991kii. Waxaan markasta u Soo hormariyaa Somaliland waayo iyadaa (initiative) iyo (sacrifice) lahayd ay ku unugtay Somaliweyntii lixdankii cid muran arintaa gelin kartaana ma jirto waayo waxaa arintaa shaambadeeyey suugaanta ina hortaal ee Allah ha u naxariistee ugu badnaa Cali Sugulle: soo qabo NIN LAGU SEEXDAW HA SEEXAN SOO JEEDOO SI WEYN U FEEJIGNAW SOO QABO MAANTA MAANTA WAA MAALIN WAYNE MAANTA, SOO QABO WAABAA BARYEY OOROOYO BAXSAN MAALIN BOQRAN, SOO SOOMAALIDII HILAWDAY SAXALKII BAXYOO SAMMAATAY, SOO QABO CIRKA QAWQAWLAW QADHQADHAY QAAWANAANTADUU ARKEEĀ  SOO QABO SOO QABO lama dhamayn karo shaambadahaa Taariikhiga ah ee SOMALIAND KU dhalisay Somaliweyntii lixdankii. Xamar waxba may lahayn aan ahayn MUUFO IYO NIN BEERLIHI CAMBUUL WAA QABAA, Djibouti dirqi Bay uga muruxsatay Somaliland berigii. maskaxdii Caafimaadka qabtay ee Somaliweyntii Suurto gelisay ayaa 1991kii garatay inaanay Somali u Dan ahayn in labadii wadan isku sii jiri karin oo Somali la kala badbaadiyo.

Dagaalka TUKA-RAQ halkaasaa uu ku lug leeyey muqaduska ah laakiin belo waxay ka dhacday oo uu ku soo beegmay waqti uu KULMIYE hii SIILAANYO Somaliland nimadii burburiyey Muse na u dhiibay wadankii oo ah GIRGIRE DABA oo dheriba saarayn oo hareer walba qaxoonti xoolihii ka baxeen fadhiyo CEEL-AFWEYN dagaalka aloosanyey fool xumi, Garxajiskii Buurdheer ka duleedaamayaan markii dawladii waxba looga diiday Doorashadiina lagaga shubtay, xaaladdaa caynkaas ah oo adag buu Dagaalka TUKA-RAQ ku soo beegmay, markaasaa iyadoo arimuhu bilaw yihiin oo dagaalku (round 2)marayo ayey nu durba gacanta taagnay Puntland oo itaalkeeda la wada garanayaa ay leedahay dagaalka joojinmaayo JEEGAANTA waan jebinayaa, inana Xukuumaddii leedahay ka yar iga qabta oo ka weyn Igu soo daaya. Waxaasi waa Guuldarada Xukuumaddii hore ee KULMIYE laga dhaxley oo wadankii qabaail u kala qaybwaybisay oo Puntland ay jeegaan iyo wax aan danta Somaliland ku jirin ugu hanjabaysaa oo ay guushu iyo MORAL ku xaggooda u jiraa.
Suaasha Maqaalkan u taytalka ahi jawaabteedu waxa weeye Jeegaani jirtaaba guuli ka dheer Somaliland. Hadaba (question of the moment) waxay tahay wax aan dawo lahayni ma jiraan dunidane Muse Biixi MA HAYAA DAWADA CUDURKAN KULMIYE HII HORE WADANKA KAGA TEGEY MISE WAA DURBAAN AAN XAQIIQADA KU SALAYSNAYN BUU GARAACAYAA. WELI WAA LA EEGAYAA MUSE BIIXI INUU GARTO SIDUU WAX ISAGA CELIN KARO IYO IN KALE.
MBASHE (MEERKAT)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker