Xukuumadda KULMIYE Way Ku Fashilantay Higsiga Hanaan Socodka Geediga Shimbiraha . W/Q: Eng. Xamse Mahdi Jaamac

Alle ha u naxariistee Cali Sugulle (Dun-carbeed)  ayaa ka mid noqday abwaanada la hadlay shinbiraha, waxaanan ka xasuusan karnaa heestii ahayd“Shinbirayow heesa, hees wanaagsan qaada agtayda soo fadhiista.”

Waxa kale oo u heesay shimbiraha  abwaanka weyn ee Asxaaq ee reer Suudaan. Waana hal abuurka wadanka Suudaan ugu jira kaalintii ALLE ha u naxariistee Cali Sugulle oo kale.

Asxaaq, waxa uu isna shimbiraha ku yidhi “Yaa cusfuur yaa cusfuur.”

Axmed Saleeban Bidde, ayaa isna yidhi “Shinbir baa buul ka samaysa, bidha laanta ruxmaysa.”

waa yahay halkaa waxa ku cad in shinbiruhu dadka ay kaga wacan yihiin aqoonta badbaadada   ama gurmadka deg-dega

ah ee ka fal celinta masiibooyinka. waynu ogsoon nahay in dadku cilmi badan ay ka bartaan shinbiraha.

Wax-qabadkii xukuumadda KULMIYE ku faantaa waxa uu ku soo ururay mashaariic aan faa’iido lahayn iyo dhismeyaal. Waxa is weydiin mudan maxaa laga qabtay nolosha danyarta marba marka ka dambaysa ka sii daraysa? Yuu xil ka saaran yahay inay  tirtirto dabaqadaha nololeed ee Somaliland ka samaysmay?

Shaqo la’aanta wadanka ka taagan waxa lagu qiyaasay in xadigeedu marayo 89%. Taasina keentay dhibaatooyin nafsaani ah iyo xanuunada maskaxda oo iyaguna si aan la dareemaynin kor ugu kacay xadi cago-cagaynaya 27%.

Dawladda KULMIYE ee madaxweyne Muuse Hoggaamiyaa markaa ma waxay ku faani kartaa wax baanu qabanay? Su’aashaas jawaabteeda waxaan u dhaafayaa akhristeyaasha sida dhow ula socda xaaladda dalka.

Magaalooyinka waaweyn ee dalka qaarkood ma laha xataa baabuurta dab-damiska ee lagula tacaali lahaa badbaadinta bulshadda xilliyada masiibooyinku dhacaan.

Waxa kale oo dalka ka taagan abaaro kulul oo wada saameeyay dan iyo duunyaba. Waxa dhacday in xoolihii abaarta riiq dheeraatay u le’deen. Imikana waxa  war dhiilo leh laga soo sheegayaa in gobolka Awdal ay daadad iyo duufaano ugu dhinteen lixdan qof. Hadda ku darso xisaabtoo, waxa jira sanduuq dhaqaale oo miisaaniyadda ku jira oo la yidhaahdo gurmada deg-dega ah.  Ma garan karo sida iyo xilliga lagu tasarufo kharashkaas dadkii u baahnaa ay gaajada u dhimayaan.

Waxaan aaminsan nahay kumanaan muwaadinna ila qabaan in dawladda faanka badan ee KULMIYE ay ku fashilantay inay hiigsato hanaan socodka geediga shimbiraha oo ah mid aqoon iyo daraasad qoto-dheer ku dhisaalan.

W/Q: Eng. Xamse Mahdi Jaamac (Al-muuji)

Hargeysa/Somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker